Banaanbax Lagu Taageerayo Xukuumadda R/wasaare Shirdoon Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Dibadbaxa-MuqdishoMuqdisho (AGGM): Dibadax lagu taageerayo xukuumadda raysul wasaare Shirdoon iyo baaqashada mooshinkii ka dhanka ahaa raysul wasaaraha iyo xukuumaddiisa ayaa maanta lagu qabta magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyay dibadbaxa, waxaana ka qeyb-galay dad badan oo isaga kala yimid degmooyinka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo dibadbaxayaasha kula hadlay barxadda Sayidka ayaa ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay shacabku uga qeyb-qaateen bannaabaxa, una taageereen xukuumadda da’da yar ee raysul wasaare Shirdoon.

Guddoomiyaha degmada Xamar-Weyne oo ka mid ahaa ka qeyb-galayaasha dibadbaxa ayaa ammaanay mudanayaasha baarlamaanka ee ka laabtay mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda Shirdoon.

Mooshin ka dhan ahaa xukuumadda Raysul wasaare Shirdoon ayaa shalay fashilmay kaddib markii xildhibaannadii horey u gudbiyay mooshinka intooda badan ay ka laabteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com