50 Guuradii Midowga Afrika Oo Maanta Looga Dabaaldagay Magaalada Muqdisho.

0

afrikan unionMuqdisho (AGGM): 50 guuradii ka soo wareegatay xilligii la aasaasay ururka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maanta looga dabbaaldego magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo uu u hor kacayo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed Salah Annadif ayaa ku sugan magaalada si ay uga qeyb-qaataan xuska, waxaana lagu wadaa in madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay saraakiisha Midowga Afrika kala qeyb-galaan xafladda.

Munaasabadda oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo deegaanka Xalane oo ah xarunta AMISOM ee Soomaaliya.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo shalay la kulmay danjire Annadif ayaa sheegay in Soomaaliya ay xubin muhiim ka tahay Midowga Afrika, ayna hormuud ka ahayd waddamadii aasaasay Midowga Afrika.

Raysul wasaare Shirdoon ayaa u hambalyeeyay Midowga Afrika, wuxuuna ka rajeeyay in uu sii xoojin doono sidii loo heli lahaa Afrika oo gaarta horumar dhab ah, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay waddamada ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dalalka Afrika ayaa sanad-guurada 50-aad ee Midowga Afrika waxay ugu dabbaaldegi doonaan 25-ka bishan magaalada Addis Ababa oo ah xarunta Midowga Afrika.

Shir ay yeelan doonaan madaxweynayaasha ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono arrimaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com