Xildhibaan Xoosh”Puntland Ma Ahan In Ay Taageerto Maamul Aanan Sharciga Waafaqsaneyn”.

0

xooshKismaayo (AGGM): Mid kamid ah wafdiga ka socda dowlada Federaalka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal siyaasadeed laga gaaro xaalada magaalada Kismaayo

Wasiirkii hore ee Dastuurka DFKMG Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil  oo hada kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in loo baahan yahay wax walba in la waafajiyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Xoosh ayaa sidoo kale cambaareeyey taageerada ay maamulka Puntland u fidisay ismagacaabista maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, isagoo sheegay in habka loosameeyey maamulka Jubaland uusan waafaqsaneyn dastuurka Federaalka.

Xildhibaanka oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in ay jiraan beelo badan oo aan ku qanacsaneyn shirkii ka dhacay Kismaayo ee la sheegay isna in lagu soo doortay Axmed Madoobe.

Dhinaca kale wafdiga ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayey qaar kamid ah shacabka ku sugan Kismaayo ku eedeeyeen inay u yimaadeen magaalada Kismayao sidii wax kama jiraan looga soo qaadi lahaa shirweynihii Kismaayo ka socday bilihii lasoo dhaafay iyo dhismaha maamulka Jubaland.

Wafdiga ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Kismaayo kula kulmay wafdigii ka socday IGAD ee kormeer ku tagay magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com