War Deg Deg Ah: Kulankii Baarlamaanka Oo Soo Dhamaaday Iyo Xildhibaanadi Mooshinka Waday Oo Wajigabax La Hoyday.

0

breaking-newsMuqdisho (AGGM): Waxaa goor dhawayd soo idlaaday Kulankii u socday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo hadlayay  mooshinkii ay ka keeneen Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Saacid.

Kulankan oo ay ka soo Qeybgaleen Xildhibaano gaaraya ilaa 223 Xildhibaan ayaa la sheegay in uu shir Gudooominayay Gudoomiyaha baarlamaanka jawaari.

Kulankaan ayaa markii uu  socday in mudo ah waxaa Cod gacantaag ah loogu gacan qaaday in ay sii shaqayso Xukuumada, waxaana ogolaaday in aysan shaqayn Xukuumada Xildhibaano gaaraya 38-xubnood  kuwaas oo ka yar intii ay ku dhici lahayd Xukuumada.

Gudoomiyaha  baarlamaanka ayaa ka hadlay halkaas asaga oo sheegay in Xildhibaanada ay maalin walba u keenayeen warqad ay ugala laabanayaan mooshinkaas, ilaa ay  ku soo haraan 38-xildhibaan sharcina kuma ahan inay mooshin keenaan intaas, waxaa sidaas Yiri Jawaari.

Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib oo ku hadlayay magaca Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa kulanka ka sheegay inay ka tanaasuleen mooshinka, ayna ka laabteen, waxaana xildhibaanada baarlamaanka ku soo dhoweeyeen sacab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com