Dowladda Itoobiya Oo Ku Baaqday In Maamul U Sameynta Jubbooyinka Looga Dambeeyo Dowladda Soomaaliya.

0

afhayeenka raiisulwasaaraha itoobiyaAddis Ababa (AGGM): Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in looga dambeeyo Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Ra’isal Wasaaraha dalka Itoobiya oo la hadlayay V.O.A da ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la jirin dhinac gaar ah oo ku aadan Maamullada dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay In loo baahanyahay kaliya in dowladda Soomaaliya lagu gacansiiyo ee iyadu ay go’aan ka gaarto Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ee Jooga Soomaaliya ay kaalin wacan ka qaadanayaan Nabad ku soo dabaaalidda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn ayaa Afhayeenku waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda Ethiopia ay taageero wacan u heyso Dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com