Qoraal Ka Soo Baxay UN-ka Kuna Socoday Madaxda Puntland Oo Lagu Fashilay Arrin Dhacday.

0

un flagGaroowe (AGGM): Qoraal ka soo Baxay Qaramada Midoobe ayaa ahaa Ashtako ay ku sharaxeen Saraakiil sare oo Amniga Puntland ah oo Iyagoo Hubaysan galay Xarunta Qaramada midoobe ee Garoowe kuwaaso sida Qoraalka laga dheehan karay ka duulayay arrimo shaqsi ama Dano Gaar ah.

Jawaabta arintan oo uu ku saxiixan yahay Philippe Lazzarini oo ah ninka ugu sareeya xaga ammaanka hay;adaha Qaramada mdoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayuu ku sheegay qoraalkiisa sida uu uga walaacsan yahay go,aanka ay dowlada Puntland ku baabi’isay ruqsadii adeeg bixiyaha xarunta Qaramada midoobay ee Garowe iyo qaylo dhaan ku aadan shilkii amni darida ahaa ee kadhacay xarunta May 2, 2013. Wuxuuna ku sheegay qoraalkiisa labadan dhacdo in ay su’aal geliyeen xiriirka wadashaqeeneed ee Puntland iyo Qaramada midoobay, taasoo ay kamid tahay sidii ay karti ugu yeelan lahaayeen hay’adaha UNka iney ka dhex fuliyaan howlahooda gudaha Puntland.

Sidoo kale, Philippe Lazzarini wuxuu qoralkiisa jawaabta ah ku faahfaahiyey sidii ay wax u dheceen May 2,2013 kadib markii ay xoog ku galeen xarunta UNka ee Gaarowe Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal iyo Taliyaha CIDda iyagoo gacanta ku sita Bustoolado xoogna ku jiireen shaqaalihii ammaanka iyagoo kaduulaya Xarunta Qaramada midoobay ee Garowe oo hore heshiis ula gashay laba shirkadood oo Maxali ah kuwaas oo kala ah Waamo iyo Rugsan oo ay k uguul dareysteen in ay buuxiyaan mustawihii loo baahnaa, taasina keentay in ay UNku heshiis lagalaan shirkad dalka dibadiisa ah si ay kor ugu soo qaado tayada labada shirkadood ee soomaalida ah, taasoo sababtay shilkaan.

Qoraalka oo 9 May ku Taarikhaysan Balse Warbaahinta si hoose ku heshay waxaa kale oo lagu sheegay in arintani ay hor istaagi doonto qorshihii isbalaarinta ahaa ee UNku kawaday Garowe oo lafilayey in bishaan uu isku balaariyo xarun cusub oo lagu magacaabo International Hotel hadii aysan kanoqon go,aankii ay hore ugaadhay dowlada madaxweyne C/raxmaan Faroole.

un23

Maxamed Saciid Cunaaye
Garoowe, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com