Madaxweyne Bare Hiiraale oo Madaafiicda Goobta Ku Gadaamay Kismaayo Iyo Dadka Oo Saakay Arkay BM Iyo Beebayaal.

0

BMMuqdisho (AGGM): Hadal heeynta ugu badan Shacabka magaalada Kismaayo ayaa noqotay mid ka mid ah kadib markii Madaxwaynaha Jubbaland Bare Aden Shire “Bare Hiiraale” xarumihiisa lagu arkay Madaaficda goobta ee inta badan ay ku dagaalamaan Soomaalida.

Lama yaqaan halka ay ka soo galeen magaalada Kismaayo Madaafiicdaan halista ah balse dad badan ayaa qabo in Madaafiicdaan ay yihiin kuwo xili hore ay dhulka hoostiisa ama bakhaaro ku qarsadeen Taageerayaasha Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) kuwaas oo hada boorka ka jafay weliba dib iskugu rakibay.

2-gaari oo Madaafiicda Bm-ka xambaarsan oo kiiba uu ka kooban yahay 21-Dhuumood & 4-Hoobiye iyo 3 Madaafiicda loo yaqaan Arti 5-ka laguna jiido gawaarida waa weeyn ee dagaalka ayaa waxaa lagu arkay xarunta Madaxweyne Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxaana Madaafiicdaan dhamaantood tijaabo iyo dhoola tus milatari ka dib dusha laga saaray shiraac iyo teendhooyin.

Qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo badanaya Tikniko taageersan Barre Hiraale kuwaas oo looga baqayo hadii uu dagaal dhaco inay dhabar jabiyaan xoogaga Maleeshiyo beeleedka Raaskanbooni ee uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe.

Dhanka kale waxaa sare u kacay ama qaali saaid ah noqday Rasaastii lagu kala iibsan jiray gudaha magaalada Kismaayo taas oo gaartay heerkii ugu sareeysay waxaana arintaan sabab looga dhigayaa saan saanta colaadeed ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com