Falaagada Al Shabaab Oo Dad Shacab Ah Ku Xirtay Magaalada Baraawe.

0

shabaab baraaweBaraawe (AGGM): Ciidamo ka amar qaata Maamulka Alshabab ee ku sugan Magalaada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa xabsiga u tixaabay tira dhalinyaro ah kuwaasi oo la sheegay in lagu soo eedeeyay Falal Basaasnimo ah sida Sarkaal kooxda Shabaab ka tirsan uu sheegay.

Xariga dadkaan oo dhacay gelinkii danbe ee shalay illaa iyo xalay ayaa waxaa la tilmaamay in uu yimid kadib markii howlgal si gaadmo ah uga dhacay xarun lugu qaxweeyo oo ku taala Bartamaha Magalada Baraawe, halkaasi oo dadkaan laga kaxeeyay badankood sida dad deegaanka ay xaqiijiyeen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee arinta ka danbaysa marka laga soo tago eedaynta la xariirta falal Basaasnimo, waxaana ku jira dadka la xiray caruur yar yar, waxana Maamulka Al-Shabaab ee Baraawe sheegeen in dadkaan dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.

Magalaada Baraawe oo ay weli gacanta ku hayaan Kooxda Alshabaab ayaa la aamin san yahay in ay tahay Magalada dhanka dhaqaalaha kasoo gala kooxda, waxa ayna wax kasoo degsadaan Dakad macmil ah oo halkaasi ku taala.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com