Maamulka Somaliland Oo Awaamiir Ku Soo Rogay Shacabka Ku Nool Magaalada Laascaanood

0

Gudoomiyaha-Gobolka-Sool-300x225Laascaanood(AGGM) Maamulka somaliland ee ka arrimiya degaanada khaatumo ayaa la sheegayaa inay dadka degaankaasi ku soo rogeen awaamiir kala duwan,waxaana masuuliyiinta gobolka Sool ee maamulka somaliland sheegeen inay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan dadka awaamiirtaasi jabiya.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday inaan maamulkiisu u dul qaadan doonin dadka tageera dawlada soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo,waxaana uu sheegey in ciidi goobaha laysugu yimaado laga maqlo magacyo ku aadan dawlada soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo isagoo xusay in xabsiga magaalada mandheera loo dhaadhicin doono.

Gudoomiyaha Gobolka Sool  Maxamed Faarax Aadan oo sida la sheegey aan ahayn dadka ku abtirsada degaanada Khaatumo ayaa la sheegey in lagu bedelay gudoomiyihi hore ee gobolka Sool  Jeeni Yare,waxaana la xusayaa in hadda gudoomiyahani yahay nin u dhashay degaanada kale ee somaliland.

Sidoo kale waxaa uu ku hanjabay inay xabsiyada Mandhera iyo burco ay ka buuxaan dadka ka soo horjeeda maamulka somaliland isla markaasna hore looga qabtey gudaha laascaanood isla markasna cidii amarkiisa ka soo horjeesataa ay ku biiri doono kooxahaasi,waxaana uu ku tilmaamay inay lid ku yihiin amaanka soomaliland cidii lagu maqlaa tageero ku aadan Khatumo iyo Dawlada soomaaliya.

Shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa ah kuwo inta badan meheradda laysugu yimaado ka dooda xaaladaha siyaasadeed ee wadanka soomaaliya iyo maamulka Khaatumo,waxaanse la ogeyn sababta ka dambeysa awaamirta cusub ee maamulka somaliland ku soo rogeen maanta shacabka magaalada laascaanood.

Si kastey ahaataba waxaa oo badanaya caburinta iyo bahdilka maamulka somaliland ku hayaan shacab ku dhaqan degaanada Khaatumo,waxaana arrimahani yihiin kuwo ku cusub degaanadaasi mana jiraan cid ka hadleysa talaabada maamulka somaliland ku dhaqaaqeen isla markaasna falcelin ka sameyn kara.

Daauud Caynte Abiib

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Alllgalgaduud@gmail.com