Xog Dhab Ah: 5 Qaybood Oo Ah Xildhibaanada Mooshinka Wada,Faroole Oo Dhaqaalaha Ugu badan Bixinya Iyo Xildhibaan Beesha Sade Oo U Adeegsanayo

0

Musharax_Magan_2-300x225Muqdisho (AGGM) Sida Shabakada Allgalgaduud xafiiskeeda magaalada Muqdisho xaqiijineyso waxaa maalmahan ku daba jirtey arrimaha ku aadan xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Xukumada Raisalwasaare Saacid Faarax Garaad,waxaana shabakada Allgalgaduud heshay meesha sartu ka qurunsan tahay.

Xildhibaanada mooshinka ka dhinaca xukumadda wada ayaa la xaqiijinaya inay yihiin 5 -kooxood oo kala wadan waxaana la sheegayaa in koox kastaa wadato Ajaande u gaar ah iyada balse ay ka mideysan yihiin sidii Raisalwasaare Saacid iyo Xukumadiisa karkaarka loo waydaarin lahaa. Waxaana kooxahaasi kala yihiin:-

  1. Kooxo U Adeegeysa Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole & Cumar Cabdirashiid oo danno qabiil huwan kuna marmarsiiyoonaya arrimaha jubooyinka.
  2. Koox uu hormuud u yahay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig Oo Ay weheliyaan Xildhibaano ka soo jeeda mawqifka dawlada ee ku aadan Maamul U Sameynta Jubbaland.
  3. Kooxo Xildhibaano ah oo hor boodayo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka biyo diidan xilka qaadistii taliyihii hore ciidamada booliska Shariif Sheekhuna Maye.
  4. 1 xildhibaan oo Faroole dhabarka ka soo taabtey isla markaasna wata Magaca Beesha Sade oo lagu magacaabo  Xildhibaan Maxamud Cali Magan oo dhawaan jubbooyinka ku soo hungoobay.
  5. Kooxo uu hormuud u yahay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr isla markaasna dhaliilsan Dawladda soomaaliya watana mawqif ah dawladu ma aqoonsana Khaatumo state.

Kooxda Cabdiraxmaan Faroole oo ah kooxda igu tunka weyn marka la eego xildhibaanada mooshinka wada ayaa aaminsan hadii ay ku guuleystaan inay ridaan xukumada saacid inay iyagu kursiga ku fariisanayaan,waxaana uu bixinayaaa dhaqaalaha ugu badan ee xildhibaanadaasi isticmaalayaan balse aan la aaminsaneyn in mooshinkaasi noqonayo mid meel mara ama guul ku soo dhamaada.

Dhamaan Qaybaha kala duwan waxay u ordayaan sidii ay xafiiska raisalwasaaraha banaanka u dhigi lahayeen isla markaasna ay doonayaan inay dantooda gaaraan balse sida xaqiiqda ah ,xildhibaanada tageersan xukumadda raisawasaare Saacid ayaa la sheegayaa inay ka tiro badan yiihiin.

Xukumadda Saacid waxay ku dhici kartaa iyadoo cod kalsoonida ay kala laabtaan xildhibaano tiradoodu gaareyo 139 mudane balse ma gaarayaan tiradda mooshinka wadataa. Waxaa muuqata oo cadaan ah in mooshinkaasi uusan noqon doonin mi u meel mara kooxaha mooshinka wada sida ay shabakada Allgalgaduud ka halayso xafiisyadda dawlada ee muqdisho.

Sidoo kale waxaa shabakada Allgalgaduud heleysaa warar sheegaya in Mooshinkan laga soo abaabulay gudaha wadanka kiiniya gaar ahaan magaalada Nairobi isla markaasna lagu doonayo in lagu jaahwareeriyo xukumadda hadda jirta balse dawladu warkeeda hayso cida soo ababushay iyo meesha laga soo abaabulay.

Dhinac kale maaha wax cusub xukumad mooshin laga keeno isla markaasna kursiga laga tuuro marka laga soo bilaabo xukumadii TNG ee uu Cali Khaliif raisalwasaaraha ka ahaa ,taasi oo si fudud lagu lagday isla markaasna banaanka la dhigey,Sidoo kale waxaa jirey xukumada iyagana laga taqalusay oo ay hormuud ka ahayeen Geedi, Farmaajo Iyo Cumar Cabdirashiid balse maahan qaabkan hadda socda oo kale in xilka looga riday.

Xukumadihii hore sida Farmaajo, Geedi, Cumar Cabdirashiid dhamaantooda waxaa xilka looga qaaday is qabqabsi soo kaal dhaxgalay madaxda sar sare ee dawladda soomaaliya, balse tan madaxda sar sare ee dawlada soomaliya sida  Gudoonka Baarlamaanka,Raisalwasaaraha iyo Madaxweynaha ma jiraan wax khilaaf ah oo ka dhexeyaa waxaana ay u muuqdaan rag iska caabinaya xildhibaanada mooshinka wada isla markaasna kala furfuraya.

Sida wararka xaqiiqda lagu helayo ma dhacayso in xildhibaanada hadda mooshinka wadaa ay kalsoonida kala laabtaan waayo waxaa la yaqijiyey in la kala furfurey isla markaasna xildhibaano aad badneyn hadda wadaan mooshinkaasi isla markaasna aysan dhici doonin ujeedada ay doonayaan.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa la sheegayaa inuu yahay ninka ugu orodka badan ee xildhibaanada horboodaya isla markaasna u hanqal taagaya sidii raisalwasaare saacid kalsoonida looga noqon lahaa,waxaana xildhibaanada kale ee beesha sade sheegeen inay la yaaban yihiin ujeedada uu wado.

Xildhibaan Magan ayaa la shaaciyey inuu toos uga shidaal qaato Madaxweynaha Puntland isla markaasna uu ka qaateyn lacago uuna u balan qaaday inuu xil ka qaban doono Maamulka Jubbaland hadii ay u meel marto inuu madaxweyne sii ahaado Axmed madoobe maadama ay faroole iyo Axmed Madoobe isku wacan yihiin, arrintaasi la sheegey inuu Xildhibaan magan ku shaqaynayo kana hunguri qabo.

Si kastey ahaataba waxaa xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Sade ee muqdisho ku sugan qaarkood sheegeen inaysan fahansaneyn ujeedada uu Xildhibaan Magan uga dan leeyahay arrimahaasi,balse waxay qaarkood ku tilmaameen inuu ku jaah wararey siyaasada soomaalliya gaar ahaan siyaasadaha is diidan ee jubooyinka oo uu hadda ka hor isu sharaxay Madaxweyne.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com