Col. Yaasiin Nuur Gaas Oo Hanajabaad Ku Haya Bahda Saxaafada Ee Magaalada Kismaayo.

0

yaasiin nuur gaas888888Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Col Yaasiin Nuur Gaas uu hanjabaad u Diray bahda saxaafada ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Col. Yaasiin oo u adeegaya danaha iyo fikradaha horjooge Axmed Madoobe, ayaa waxa uu shalay u diray hanjabaadyo dhalinyarada bahda saxaafada ee ku sugan magaalada Kismaayo, kadib marki ay soo tabiyeen wararka doorashada Col. Bare Aden Shire iyo dibadbaxyadi baaxada lahaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaa beryahan isa soo taraya wararka sheegaya in Col. Yaasiin uu hanjabaad ba’an ku hayo dhamaan qeeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Yaasiin Nuur Gaas ayaa waxa ay mareysaa hanjabaadiisa ugu dambeeysay in xataa fariimo loogu soo diro weriyeyaasha ku sugan magaalada Kismaayo isagoo qancinaya Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo Col. Yaasiin ayaa waxa uu hilmaamay aduunka maanta la joogo in ay mamnuuc ka tahay caburinta saxaafada xorta ah iyo hanjabaadaha ka dhanka ah.

Wararkan waxii kasoo kordha kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com