Cabdiraxman Xoosh Jibriil '' Anag Iyo IGAD Mawqif Isku Mid Ah Baanu ka Taaganahay Xaalada Kismaayo Mana taagereyno Dhinac Gaar Ah ''

0

8AB0BC89-EC74-4FE8-9866-39D2E24EB451_w640_r1_sKismaayo ( AGGM) Weftigii dawladda soomaaliya u soo dirtey xaqiiqo raadinta xaaladaha cakiran ee ka taagan magaalada kismaayo ayaa maanta iyagoo magaalada kismaayo ku sugan daboolka ka qaaday waxyaabihii halkaas kala kulmeen,waxaana masuuliyiinta dawlada ee halkaasi maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa sheegeen inay indhahooda ku arkeen rabitaanka shacabka.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriin oo hore u ahaa wasiirkii hore ee dastuurka iyo arrimaha federaalka oo saaka idaacadaha magaalada Muqdisho la xiriray ayaa daboolka ka qaaday inay soo qiimeeyeen xaaladihii dawladu u xil saartey isla markaasna ay la kulmeen dhamaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasada gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegey sidoo kale inay la kulmeen dadka degaanka.

Waxaana uu Yiri ” Waanu la kulanay dhamaan beelaha soomaaliyeed ee dega gobollada Jubooyinka,waxaana ay noo sheegeen inay u baahan yihiin maamul loo wada dhan yahay isla markaasna cadaalad ku haga,waxaana y muujiyeen inay  dhamaan ka soo horjeedaan kooxaha sheeganaya maamulada dhawaan looga dhawaaqay magaalada kismaayo ”’.

Waxaana uu raaciyey ” Kooxdii IGAD ka socotey waanu wada kulanay iyana waxay noo sheegeen inay indhahooda ku arkeen rabitaanka shacabka ku nool gobolladda jubooyinka isla markaasna aysan dooneyn shaqsi gaar ah balse ay rabaan in dawladu goob joog ka noqoto in shacabka jubooyinku helaan maamul ay ku mideysan yihiin oo cadaalad iyo sinaan ku haga ”

Dhinaca kale waxaa oo Xildhibaan Xoosh sheegey inay saacadaha soo socda dib ugu laaban doonaan magaalada muqdisho isla markaasna dawlada federaalka ee soomaaliya ku celin doonaan waxyaabihi ay kala kulmeen magaalada kismaayo oo ku saleysan rabitaanka shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanadaasi,waxaana uu sheegey inaysan cid gaar ah u sacabo tumi doonin.

Gebagabadii waxaa uu Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil daboolka ka qaaday inay dhamaan xubnihi dawlada ka socday iyo kuwi IGAD ka socday ay si wadajir ah wax u arkeen isla markaasna dhawaan war cad ka soo bixi doono wixii ay kala kulmeen magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegey inaysan IGAD  Iyo dawladda Soomaaliya cid gaar ah u aqoonsan doonin maamulka gobollada jubooyinka balse shacabka gobollada jubooyinka rabitaankooda la raaci doono.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com