Afhayeenka Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Ka Warbixiyey Kulankii Ay Xubnaha IGAD Shalay La Qaateen

0

statesmanKismaayo(AGGM) Afhayeenka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Dr.Maxamed Xasan Cali ( Stateman)  oo saxafada la hadlay ayaa ka warbxiyey kulankii shalay gudaha magaalada kismaayo ku dhexmarey Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale Iyo Weftigii IGAD waxaana uu sheegey inuu kulankaasi dood dheer ka dib uu si wanaagsan ku soo dhamaaday.

Afhayeen Maxamed Xasan Cali ( Stateman) waxaa uu sheegey in madaxda IGAD Iyo weftigii dawladda soomaaliya ay kulankooda ku soo bandhigeen aragti ururin ku aadan sidii doorashooyinka kala duwan uga dhaceen gudaha magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in ujeedadoodu ahayd inay aragtida shacabka iyo dadka ku dhaqan gobollada jubooyinka ururiyaan isla markaasna ay dib ugula noqdaan meelaha ay ka yimaadeen.

Waxaa kale oo uu sheegey in kulankaasi ahaa mid lagu qiyaasayey rabitaanka shacabka gobollada jubooyinka isla markaasna IGAD Iyo Dawladda soomaaliya ku dooneyso inay ogaato waxyaalaha dhabta ah ee ka jira magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in kulankoodu ahaa mid is afgarad ah oo aanu ku jirin wax khilaad ah.

Dr Stateman waxaa uu sheegey in weftigaasi su,aal waydiiyeen Madaxweyne Bare Hiraale  taas oo ahayd sidee u aragtaa xaalada kismaayo, waxaana uu sheegey inuu madaxweynuhu si wanaagsan uga jawaabay, waxaana uu sheegey inaysan wax dhibaato ahi ka taaganeyn isla markaasna amaanku wanaagsan yahay uuna isagu yahay madaxweyne dadka degaanku soo doorteen.

Sidoo kale waxaa uu sheegey inay weftiga IGAD halkaasi kala kulmeen banaan bax balaaran oo ay bulshada kala duwan ee magaalada kismaayo ku muujinayeen rabitaankooda ku aadan inuu Madaxweynaha rasmiga ah uu yahay Madaxweyne Bare Aadan Shire Hiiraale.

Gebagabadi waxaa uu afhayeenku xusay in weftiga IGAD ay warbixino ka qorteen dadkii meesha isugu yimid isla markaasna ay sheegeen inay u gudbinayaan Madaxda Maamulka Goboleedka IGAD, sidoo kale xildhibaanada dawladu soo dirsatey iyaguna ay sidaasi si leeg sheegen.

Warsame Caydiid Geele

Kismaayo,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com