Weftiga IGAD Oo Saaka La Kulmaya Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire

0

Kismaayo: (AGGM)bare-hiiraale Wefti ka socday wadamada ku bahoobay Maamul Goboleedka IGAD oo maalinimadii shalay soo gaarey magaalada ksimaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa la sheegayaa inay saaka kulamo muhiim ah la qaataan Madaxweynaha dhawaan loo doortey Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale” waxaana lagu wadaa inay kala hadlaan arrimo badan oo ku saabsan xaalada jubooyinka iyo Gedo.

Goob Jooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa saaka u xaqiijiyey in Weftiga IGAD xalay codsadeen inay la kulmaan Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Hiiraale,waxaana la sheegey inuu madaxweynuhu ka aqbalay inuu la kulamo isla markaasna ay ka wadaan arrimaha cakiran ee ka taagan magaalada kismaayo.

Weftigan ayaa shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe oo iskiis isugu magacaabay inuu yahay Madaxweyna Jubbaland,waxaana ay kala hadleen Arrimo badan oo ka mid ismagacaabistiisa,waxaana la sheegayaa inay Madaxda IGAD si cad ugu sheegeen inaysan aqoonsaneyn doorashooyiinkii ka dhacay magaalada kisamayo ee xarunta jubbada hoose iyagoo sheegey in arrimahaasi ay ka soo wada hadleen dawladda dhexe ee soomaaliya.

Weftigan lagu wado inay saaka kulamo la qaataan Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Hiiraale & Tageerayaashisa ayaa lagu wadaa inay isna ka hadlaan xaaladaha cakiran ee ka taagan magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa in weftigaasi marka ay Madaxweyne Bare Hiraale la kulmaan dib ugu dulaan magaalada Addis Ababa oo fadhiisan u ah Madaxda IGAD.

Si kastey ahaataba waxaa magaalaada kismaaayo hadda ka jira in ka badan 5 madaxweyne oo mid kastaa sheeganayo inuu yahay madaxweynaha Jubbaland,Taasi oo weftiga IGAD u cadaysay inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeya beelaha walalaaha ee wada dega gobollada jubooyinka waxaana lagu wada in weftiga IGAD marka ay ku laabtaan Addis Ababa ay kulamadooda War-Murtiyeed ka soo saaraan.

Wararka Arrimahaasi Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud.

Cali Xasan Cabdi.

Kismaayo,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com