War Deg Deg Ah: Kulan Xasaasi Ah Oo U Socda Madaxweyne Bare Hiirale & Weftiga IGAD

0

Kismaayo(AGGM)bare hiiraale Waxaa hadda Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ka socda Kulan xasaasi ah oo u socda Madaxweyne Bare Aadan Shire ” Col Hiiraale ” & Weftigii IGAD Iyo Xildhibaano ka socda dawladda Soomaaliya oo maalmahan ka sugnaa magaalada Muqdisho,waxaana ay kulamo xasaasi ah la leeyihiin madaxweyne Bare Aadan Shire.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa madaxtooyada Jubbaland ka socda qaban-qaabo ay wadeen Madaxweyne Bare Hiiraale iyo tageerayaashiisu oo u badan beelaha wada degan gobollada jubooyinka gaar ahaan waxgaradkooda iyo aqoonyahanooda,waxaana ay la kulamayaan weftiga IGAD iyo xildhibaanada dawlada soomaaliya kalana hadlayaan xaaladihii u dambeyey magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxaa afaafka hore ee meesha shirkaasi ka socdo ku sugan kumanaan ruux oo banaan bax ay ku tageerayaan Madaxweyne Bare Hiiraale ku muujinayaan tageerada ay u hayaan,waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo nabadda ku saabsan isla markaasna ay ku muujinayaan madaxweyne tageerada ay u hayaan madaxweyne Bare Hiiraale.

Goob Jooge ku sugan gudaha Madaxtooyada Jubbaland ee fariisinka u ah Madaxweyen Bare Hiiraale ayaa shaaciyey in Saxafadu banaanka ka joogto kulamada u dhexeya Maamulka Jubbaland ee uu hormuudka ka yahay Bare Hiiraale & Weftiga IGAD,Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ee dawladu u xil saartey arrimaah jubooyinka,waxaana la sheegey in kulamadaasi looga hadli doono arrimihii ugu dambeeyey ee magaalada kismaayo.

Tageerayaasha Madaxweynaha Jubbaland Col bare hiirale ayaa weftigan maanta u muujiyey tageerada muhiimka ah ee ay u hayaan Madaxweynahooda isla markaasna ku muujinayaan inuu yahaya madaxweynaha Xaqa ah ee Jubbaland,waxaana lagu wadaa in kulamadaas ay ka soo warar natiijo leh isla markaasna saxafada uga warbixin doonaan Madaxweyne Hiiraale iyo Xubnihiisu.

Weftiga IGAD waxay saaka la soo kulmeen Axmed Madoobe isla markaasna ay kala hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee gobollada jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaayo oo maamulo badan looga dhawaaqay,waxaana ay Axmed Madoobe u sheegeen inaysan wax madaxweyne ah u aqoonsaneyn jubooyinka isla markaasna arrimahaasi ku tilmaameen is bar bar yaac.

Gebagabadii waxyaabaha hadda ay ka wada hadlayaan Bare Hiirale Iyo Xubnaha IGAD iyo dawlada soomaaliya ka socda,balse waxaa laga war sugayaa waxyaalaha saxafada loo soo bandhigo,Waxaana kulanka maanta ku soo aadayaa xilli ciidamo badan oo tageersan madaxweyne Bare Hiraale Saacadiihi la soo dhaafay soo gaareen gudaha magaalada kismaayo.

Warsame Caydiid Geele

Kismaayo,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com