Magaalada Laascaanood Oo Maalintii Labaad Ka Socdaan Xuska Gooni Isu Taagga Maamulka Somaliland

0

 Laascaanood (AGGM): wasiir xaabsadeMagaalada laascaanood ee gobolka Sool waxaa maalintii labaad ka socda dabaal dega loogu dabaal degayo maalinta xorrimadda somaliland,waxaana munaasabadahasi sida la sheegey ka socdaa qaybaha kala duwan ee magaalada laascaanood,waxaana magaalada laascaanood ku sugan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka somaliland.

Waxaa Dabaal-degaydaa ka socda magaalada laascaanood la sheegay inuu hormuud ka yahay Siyaasiga caanka ah ee Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaa isaguu masuulkii maamulka somaliland  u suuro galiyey inay xoog ugala wareegaan maamulkii puntland ee xilligaas ka arriminayey.

Munaasabadahan ka socda degaanada somaliland ayaa maalintii labaad si rasmi ah uga socda gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanood iyadoo la sheegey inay kumanaan ruux oo reer sool ahi ka soo qayb galeen,waxaana la sheegey in munaasabadan tahay mid ay shacabka reer sool si wayn uga soo qayb galeen marka la barbar dhigo munaasabadihi hore.

Dhinaca kale waxaa jira dad la sheegey inay munaasabadaas ka dhinac wadeen arrimo qashin gur ah oo ciidamada somaliland xabsiga u taxaabeen,waxaana la sheegayaa in dadkaasi maalinnimada beri ah maxkamad la soo taagi doononisla markaasna lagu eedeyn doono qaran dumis,waxaana lagu eedeyey inay lacago ka qaateen maamulka khaatumo.

Ugu dambeyntii waxaa wax aad loola yaabo ah waxyaabaha bedelaay mawqifkii shacabka gobolka Sool isla markaasna ay munaasabadahan si buuxda uga soo wada qayb galeen shacabka reer sool isla markaasna calanka somaliland ku buufiyeen dhamaan guryaha magaalada laascaanood.

Daauud Caynte Abiib

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Alllgalgaduud@gmail.com