Kooxo Dablay Ah Oo Ka Soo Jeeda Gaarisa Oo Afduubay Shaqaale Ajaaniib Ah

0

Gaarisa (AGGM) 14433_NpAdvHoverSida Allgalgaduud loo xaqiijyey waxaa saaka wadada u dhexeysa Gaarisa iyo Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab laga afduubay 4 ruux oo shaqaale ajaaniib ah kuwaasi oo ku sii jeeday xeryaha qaxootiga ee ku yaala degaanka dhadhaab halkaasi oo ay ku jiraan qaxooti soomaali ah oo badani.

Shaqaalaha ajaaniibta ah ee la afduubay waxay u shaqaynayeen Hay’add lagu magacaabo NRC waxaana la sheegey in kooxo ku hubeysan qoryaha darandooriga ah u dhaca ay afduubeen,waxaana sidoo kale la xaqiijiyey inay toogteen darawalkii gaariga u waday isla markiina uu geeriyooday,waxaana la sheegey inay kooxdaasi kaxeysteen gaarigii iyo dhaman shaqaalaha ajaaniibta ah.

Kooxdan afduubka geysatey ayaa wararka qaar laga helayo magaalada Gaarisa la sheegayaa inay ka soo jeeda isla magaalada Gaarisa,waxaana la xusay inay dadkaasi u kaxeysteen dhinaca xadka soomaaliya iyadoo cidamada dawlada kiiniya ay baadi goob adag ugu jiraan meesha shaqaalahaasi lala aadey.

Shaqaalahan ayaa la sheegey inay u kala dhasheen wadamo kala duwan sida Canada,Pakistan,Norway Iyo Filibiin,waxaana la sheegayaa in kooxdaasi ay jirdil u geysteen shaqaalahasi isla markaasna ay ula dhaqaaaqeen dhinaca degmada Dhoobley ee xadka soomaaliya halkaasi oo la sheegey inay ka soo jeedaan kooxda weerarka fulisay.

Ciidamada dawladda kiiniya ayaa ku dhaqaaqay baaritaan xoogan oo ku aadan sidii ay u soo furan lahayeen shaqaalahaasi waxaana la sheegayaa inay diyaaradaha qumaatiga u dhaca ay degaanada lagu afduubay dadkaasi ay dul dulayaan,mana jiraan iyo hadda cid ay arrimahaasi u soo qabteen.

Gebagabadii waxaa degaanada waqooyi bari wadanka kiiniya ku soo badanaya dhibaatada xoogan oo oo dhinaca amni darrada ah,waxaan afduubkani imaanayaa xilli xalay sarkaal ciidamada dawlada kiiniya ka tirsan lagu dilay gudaha Magaalada wajeer ee isla waqooyi ee dalka kiiniya.

Aadan Faarax Gutaale

Gaarisa,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com