Dibadbax Balaaran Oo Lagu Taageerayo Madaxweyne Bare Aden Shire Oo Shalay Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq, Islamarkaana Faroole Iyo Khaatumo State Fariin Adag Loogu Diray. *Daawo+Dhagayso*

0

WAAQCaabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha Jubbaland Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) uu ka dhacacay shalay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud

Banaanbaxan ayaa waxaa kasoo qayb galay kumanaan ka tirsan qeeybaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ayaa waxaa lagu qabtay fagaaraha wayn ee magaalada Caabudwaaq, waxaana fagaarahaas Khudbado kala duwan ka jeediyay Odoyaal dhaqan, Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshoweynta magaalada Caabudwaaq.

Dhinaca kale banaanbaxan ayaa waxaa Digniin adag loogu diray Horjoogaha Puntland Mr. Faroole, waxaana sidoo kale baaq loogu diray shacabka iyo maamulka Khaatumo State oo aad moodo beryahan dambe inay ku dhaceen dabinkii Faroole.

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraya banaabaxyada iyo xafladaha lagu taagerayo Madaxweynaha Jubbaland Col. Bare Ade Shire oo la filayo inay ka dhacaan guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan dalka dibaddiisa.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/caabudwaaq.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com