Ciidamo Aad U Hubeysan Oo Soo Gaarey Magaalada Kismaayo

0

Kismaayo( AGGM):gedo Gudaha magaalada kismaayo waxaa xalay soo gaarey boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliya ee ka amar qaata dawlada soomaaliya kuwaasi oo labadii habeen ee la soo dhaafay ka soo dhaqaaqey Gobolka Gedo,waxaana la xaqiijiyey inay ciidamadaasi xalay saqdii dhexe gudaha u galeen magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa la sheegey inay qayb ka yihiin ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan gobollada jubooyinka waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi qayb muhiim ah ka qaataan xasilinta iyo amaan soo celinta gobollada jubooyinka oo maalmihi la soo dhaafay ay ka jireen falal amaan darro.

Ciidamadan ayaa la sheegey inay tiradoodu gaareyso 300 oo askari kuwaasi oo dhamaantood la sheegey inuu u dhameystiran yahay agabkooda ciidamada mileterigu,waxaana la sheegey inay ku hubeysan yihiinn gaadiid dagaal oo gaaraya 12 tikniko ah,waxaana ciidamadaasi ku biireen ciidamada dawlada soomaaliya ee hore uga yimi gobolka gedo.

Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa walaac xoogan ka muujinaya ciidamada tiradda badan ee ku soo qulqulaya gudaha magaalada kismaayo iyadoo dibedda magaalada ay ku sugan yihiinn kooxda Falaagada Alshabaab isla markaasna ka soo horjeeda dhamaan kooxaha ku hardamaya magaalada kismaayo.

Gebagabadii ciidamadan ayaa lagu wadaa inay wax badan ka qabtaan xaaladaha amaan darro ee ka taagan magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda,waxaana imaanshaha ciidamadani ku soo beegmayaa xilli shalay dhac iyo dil loo geystey shacab soomaaliyeed oo diiday inay bixiyaan lacag baad ah oo ay waydiisteen maleeshiyaad ka tirsan raaskambooni.

Warsame Caydiid Geele

Kismaayo,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com