Amaanka Garoowe Oo Faraha Ka Sii Baxaya Iyo Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu Toogtey Gudaha Garoowe.

0

Garoowe: (AGGM)garowe1 Bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa lagu dilay maanta wiil dhalinyaro ah kaasi oo la sheegey inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo hubeysan,waxaana la sheegey in kooxdii dilkaasi fulisay ay ka baxsadeen meeshii uu dilku ka dhacay.

Wiilkan dhalinyaradda an ee da,adiisa lagu qiyaasay 20 jir ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka dhalinyaradda ah ee sida caadiga ah ugu nool magaalada garoowe isla markaasna aan xil ka hayn maamulka Puntland,waxaana dilkiisa lagu sababayeey inay ka dambeysay aano qabiil.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa gudaha magaalada garoowe ka socday falal amaan darro kuwaasi oo si bareer ah loogu dilay dhawr ruux oo shacab ah kuwaasi oo ay ka mid ahayd gabar ganacsato ah oo uu dilkeeda ka dambeeyey askari ka tirsaan ilaalada madaxtooyadda Maamulka gobolkeedka puntland ee garoowe.

Sidoo kale waxaa habeen hore si bareer ah meel maqaaxi ah oo ku taala isla bartamaha magaalada Garowe lagu laba nin oo dhalinyaro ah isla markaasna la sheegey in loo dilay aano qabiil . Arrimaha maalmahan ka dhacaya caasimadda maamulka puntland ayaa muujinaya in khalkhal dhinaca  amaanka ahi ka jiro magaalada garoowe.

Gebagabadii waxaa maamulka magaalada garoowe shaaciyeen inay wax ba qabanayaan falalka amaan darro ee ka dhaca magaalada garoowe iyo degaanada kale ee puntland,mana jiran ilaa iyo hadda wax ay ka qabteen amaanka magaalada garoowe,waxaana shacabu eedeyn iyo caburin u jeediyaan madaxweynaha maamulka puntland oo ku tilmaameen inuusan waxba ka qabaneyn amaanka degaanada puntland.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Garoowe,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com