Xukuumada Federaalka Oo Wada Qorshe La Doonayo In Lagu Dhameeyo Khilaafka Ka Taagan Jubbooyinka.

0

ciilmoogeMuqdisho (AGGM): Xili dhawaan maamulo iska soo horjeeda looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaa in xukuumada Soomaaliya siweyn ugu howlan tahay dhameynta khilaafka siyaasadeed ee ka jirta Jubbada hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi wasiirrka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya wafdi ka socday urur gobolleedka iGAD ka wada hadlleen arinta Jubbooyinka oo sida uu sheegay wasiirrka lagu howlan yahay dhameynta khilaafka ba’an ee ka jira.
”Xukuumada federaalka mowqifkeeda ku aadan arinta Jubbooyinka ayeey u gudbisay wafdiga urur gobolleedka IGAD runtiina, waxaa leyla qaatay in xal kama danbeys ah laga gaaro arinta Kismaayo,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta arrimaha ka soconaya gobollada Jubbooyinka kuwa aan ka turjumeynin xaqiiqda ka jirta gobolladaas, lagana yaabo in marka danbe dadka deegaannadaas ku dhaqan u horseedo dagaal.
Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa waxa uu imaanayaa xili wali sidoo kale magaalada Kismaayo ku sugan yihiin wafdi ama guddi dowladda federaalku u xil saartay arrimaha Jubboyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com