Xildhibaanadii Ololaynayey Mooshinka Ka Dhanka Ah Xukuumada Oo Hoos U Dhacay (Maxaa Sababay Arrintaas?).

0

xildhibaanoXildhibaanadii ololaynayey mooshinka ka dhanka ah xukuumada oo hoos u dhacay-(maxaa sababay arintaas??).

Magaalada mugdisho waxaa dhawaanahan ka socdey olole ay wadeen qaar kamid ah xildhibaanada DFS kaasoo ujeedadiisu ahayd iney ka taqalusaan xukuumada dfs gaar ahaan hayada fulinta.

Xildhibaanadan oo kacdoonkoodu markii hore ku biloowdey qaab beeleed ayaa hadana waxuu isu gadiyey ineey hoosta kasii huriyaan kooxo ujeedo badan ah oo isugu jira dhawr nooc oo kala ah (qaar uu ku jiro damaaci ah ineey halkaas xilal ka helaan waa hadii xukuumadu dhacdo eh,xildhibaano doonaya ineey dib usoo celiyaan qabkii mooshinka laaluushka lagu heli jirey iyo xoogaa jeebka loo galiyo,xildhibaano doonayey ineey is qabqabsi iyo is afgaran waagii xukuumadihii hore oo kale ay dhexdhigaan xukuumada hada jirta oon weli qilaaf dhex marin,qaar kamid ah xukuumadihii ku meel gaarka ahaa oo xilal kaasoo qabtey oon xukuumadan ka dhex arag danahooda gaarka ah iwm)

Hadaba moodshinkan oo ay wadeen intaasoo kala ujeeda ah oo ka tirsan xildhibaanada golaha baarlamaanka ayaa hada u muuqda mid hoos u dhacay kadib markii uu ku yimid culays aad u balaaran oo kaga yimid qaybaha kala duwan e shacabka soomaaliyeed,

Sidoo kale culayska kala dhantaalay waxuu kaga yimid sida naloo xaqiijiyey beesha calamka oo ka biyo diidey in xiligaan qaqal iyo jaahwareer la galiyo xukuumada hada jirta oo mudo kooban shaqaynaysey,waxaana qayb libaax leh ka qaatey ka hortaga mooshinkaas qaar kamid ah safiirada dawladaha reer galbeedka ah sida safiirka soomaaliya u fadhiya dalka inagriiska iyo kan mareykankaba,

Waxaana la sheegayaa in ay si toos ah iyo si dadbanba ay ula hadleen xildhibaanada aadka u ololaynaya arintaan oo qaar laga magacaabay oo kala ah Cali khaliif galeyr,xassan abshir faarax, jurile iyo xildhibaano kale oo aad u badan,

Waxaana jira warar kale oo sheegaya in xataa ay dalalka reer galbeedku ku hanjabeen in hadii ay dhacdo mooshinkan ka dhanka ah xukuumadu ay mushaaraadka xad dhaafka ah ee la siiyo golaha baarlamaanka ee soomaaliya laga jaran doono,dib u eegisna lagu samayn doono kaalmadii beesha caalamku doonaysey ineey siiso soomaaliya,maadaama aanay soomaaliya ahayn dad u bisil ineey wax qabsadaan hadiiba hada ay bilaabatey muran iyo isqabqabsi ay bilaabeen hayadii shari dajinta ee dfs oo la doonayey ineey la yimaadaan hawl karnimo dheeraad ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sheegayaa inuu hoos u dhacay mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumada DFS kaasoo ay hoosta ka hurinayeen danaystayaal kala ujeedo ah oo kamid ah goloha baarlamaanka ee soomaaliya,kadib markuu soo wajahay culays balaaran oo kaga yimid shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamkana,hadana aanay ka badnaynba xildhibaanada arintaas weli ku adkeysanaya ilaa iyo 45 xildhibaan,intii kale oo ay garabka ka filayeena ay arintaas ka tanasuleen.

C/llaahi warsame
Mugdisho Soomaaliya
Em-Abdilahi@yahoo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com