Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Dil iyo Dhaawac maanta loogu geeystay Dad rayid ah suuqa xoolaha magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in  maleeshiyo ku lebisan Direyska maleeshiyada Raaskambooni in ay tageen Suuqa Xoolaha kaddibna ay weeydiisteen  Lacago cashuur ah taasoo ay ka biya diideen ganacsatadii Xoolaha ee halkaa ku sugneed iyadoo maleeshiyada Raaskambooni rasaas si arxan daro ah ugu fureen dadka Rayidka ahaa, waxaana halkaas ku dhintay illaa Seddax ruux oo rayid ah oo ka mid ahaa ganacsatadii Xoolaha ee Suuqaas ku sugneed.

Maxamed Cumar oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee ku meel gaarka oo war baahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in rasaastu ay timi ka gadaal markii la isku qabsaday Lacago Canshuur ah oo halkaa hore looga qaadi jiray iyadoo dadku ay ku andacoodeen in meesha uusan ka jirin maamul midaysan oo ay dadka sameesteen sidaa darteedna ay dhalisay in rasaas fureen maleeshiyada Raaskambooni.

Dadkii Rasaastaas ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa markiiba goobta laga qaaday iyadoo halkaasna ay soo gaareen Ciidamo dowladda Soomaaliya oo Gurmad ah kuwaasoo dejiyay xiisaddii ka taagneed suuqa xoolaha magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxa ay dadka qaar ay ku sheegeen in ay tahay dhibaato aan loo baahnayn isla markaana waxa ay ugu baaqeen ciidamada AMISOM in ay maxakamad soo taagaan gacan ku dhiigleyaasha laayay dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com