War Deg Deg Ah: Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dawladda Kiiniya Oo Hadda Lagu Toogtey Bartamaha Magaalada Wajeer.

0

breaking-news Wajeer: (AGGM) Waxaa hadda gudaha magaalad Wajeer ee waqooyi bari gudaha wadanka Kiiniya lagu toogtey sarkaal la xaqiijiyey inuu ka tirsana ciidamada dawlada Kiiniya gaar ahaan kuwa mileteriga,waxaana la sheegey inay kooxo hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Wajeer.

Dilkan ayaa la sheegey inay fuliyeen koox ku hubeysneyd bistoolado,waxaana la sheegey inay markiiba ka baxsadeen meesha dilku ka dhacay,waxaana goobtaasi soo gaarey ciidamo ka tirsan ciidamada booliska magaalada wajeer.

Goob jooge ku sugnaa meesha dilku ka dhacay ayaa daaha ka qaaday in rasaas ay kooxdaasi la beegsatey sarkaalkaasi,waxaana la sheegey inay qaarka sare ee jirkiisa rasaastaasi haleeshay taasi oo sababtey inuu isla goobtaasi ku geeriyoodo.

Gebagabadii waxaa dilkan caawa magaalada Wajeer ka dhacay qayb ka yahay falal amaan darro oo la soo deristey degaanada waqooyiga bari dalka kiiniya kuwaasi oo aan wali si dhab ah loo ogeyn kooxaha ka dambeeya.

Aadan Faarax Gutaale.
Magaalada Gaarisa,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

allgalgaduud@gmail.com