Wafdigii IGAD Ka Socday Oo Magaalada Kismaayo Gaaray.

0

IGAD_logo1Kismaayo (AGGM): Waxaa maanta gaaray Kismaayo wafdi  ka socday urur gobaleedka IGAD oo ka anba baxay Muqdisho iyaga oo durbadiiba la kulmay masuuliyiin ka socda dowlada Soomaaliya iyaga oo xilligaan kulan la leh Axmd Madoobe oo kamid ah afarta madaxweyne ee Kismaayo isku heesta.

Wafida IGAD oo la filayo in uu la kumlo dhamaan dhinacyada ku hardamaya halkaasi ayaa uga sii duuli doonaan magaalada Nairobi iyaga oo ugu danbeyn shirka IGAD ee aakhirka bishaan dhacaya hor geyn doona waxa ay la kulmaan inta ay Soomaaliya ku suganyihiin.

Wafdiga ayaa xaly ku hoyday Muqdisho iyaga oo la kulmay madaxda Dowlada Soomaaliya oo ay ka wada hadleen arima badan oo khuseeya Soomaaliya iyo hanaanka maamulada gobalada oo ah heshiis dowalada Soomaaliya ay horay ula gashay IGAD oo dhigayay in Soomaaliya looga dambeeyo unkida maamulada gobalada taageerana lagu siiyo.

Sida ay dowalda Soomaaliya baahisay wafdigaasi ayaa wax ay yihiin xaqiiqo raadin  kuwaa oo u kuur geli doona xaalada dhabta ah ee ka jirta Kismaayo si mugdiga iyo is-qab-qabsiga meelaha looga saaro hanaanka dowlanimo ee dalkana loogu hogaansanaado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com