Wafdigi IGAD Oo Kulmo La Leh Garabyada Isku Haya Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo gacan yarayaashiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .

Wafdigan ayaa lagu wadaa inay booqdaan labada garab ee odoyaasha ku kala sugan Magaalada iyo xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona odoyaashi kala doortay Col. Bare Aden Shire iyo Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Kulan saddex geesood ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu galabta ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kaas oo u dhaxeyn doona wafdiga IGAD, hoorjoogaha iyo gacan yareyaasha maleesh beeleedka Raaskambooni iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com