Taliska AMISOM Oo Ka Hadllay Madaxweyneyaasha Iska Soo Horjeeda Ee Looga Dhawaaqay Kismaayo.

0

xaamudMuqdisho (AGGM): Taliska ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadlleen aragtidooda ama mowqifkooda ku aadan maamulada iska soo horjeeda iyo madaxweynayaasha is khilaafsan ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbada hoose.
Afhayeenka ciidamada midowgga Africa AMISOM Col Cali Aadan Xumud oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay inay si dhow u eegayaan xaalada ka taagan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay kuwada sugan yihiin labada madaxweyne oo mid walba uu sheegayo in isaga loo doortay xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubaland.
“Arrinta ka taagan Kismaayo si dhow ayaa u la soconnaa, isha ayaana ku haynaa, hadii ay dhacdo dhibaato waxaa diyaar u nahay inaan dhex-galno,” ayuu yiri Col. Cali Xumud oo saakay la hadlayay idaacadda VOA-da.
Waxaa uu sheegay afhayeenka ciidamada midowgga Africa AMISOM in mar walba ay taageerayaa ama bar bar taagan yihiin aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ee ku aadan siyaasada gobollada Jubbooyinka, iyaga oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin wax kasta oo amniga xumeyn kara.
Magaalada Kismaayo ee xarunta maamula Jubbada hoose waxaa xiligan ku wada sugan labo madaxweyne oo mid walba uu sheegnayo in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee loo doortay in uu hogaamiyo maamulka Jubba-land.
Col Cali Aadan Xumud kama uusan hadllin doorka ciidamada Kenya ee  ku sugan magaalada Kismaayo oo siweyn loogu eedeeyo in ay gacan saar hoose leeyihiin islamarkaana garab siiyaan mid ka mid ah dhinacyda iska soo horjeeda waa Axmed Madoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna horay u sheegtay in maamullada looga dhawaaqay Kismaayo ay yihiinn kuwo lagu marin habaabinayo shacabka ku nool Jubbooyinka, waxayna ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halkaas ku sugan ugu baaqday inaysan faraha la gelin arrimaha socda.
Madaxweynayaashan iska soo horjeed  ayaa waxaa ay  xaalad cabsi leh geliyeen magaalada Kismaayo, inkastoo aysan wax dhibaato ah dhicin haddana shacabka ku nool magaaladaas waxay farta ku hayaan wadnaha iyagoo baqdin qaba inay dagaallo dhacaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com