SIYAASAD QATAR AH OO SOOMAALI KU WAJAHAN.

0

MaqaalMooshinka sirgaxan oo mar-qura ku soo kuday dawladda Soomaaliya, maaha mid ka curtay maskaxda mudanayaasha soo qaddimay ee waa mid ay soo maleegeen dawladaha dariska ah oo Soomalida curyaaminaya.

Waxay ila tahay inaan la biciidsan karinin, in Itoobiya iyo kiinya u bahoobaan dhibaatada dalkeenna maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin inay dantoodu ku jirto diciifnimada Somaaliya.

Si ay wax noogu iftiimaan bal aan taariikhda dib u jeleecno.

Dowladda Itioobiya waxay dagaal Argagixis-nimo ladirir ah ku qabatay Axmed Mdoobe oo dhaawac ah. Dawladdaasu waxay ku soo barbaartay Boqortooyo. Lama arag lamana maqal qof Itoobiya dambi ku qabatay oo dib dambe loo arkay, iskabaa da’aa nin argagixis-nimo lagu qabta-e. inta la baantay ayaa waliba mudane laga dhigay.

General Fartaag waxaa si cad loogu baddalay Barre Hiraale, waxaana lagu soo tababaray Addis, waxaana general-nimo si hoos galis ah looga qaaday Sh. Shariif. Fartaag ma lahayn darajo milatari mana la hayn tacliin genaraalnnimo laakiin wuxuu muujiyey daacadnimo shisheeye waxaana laga lahaa qorshe fog oo ah midka maanta socda.

FAD AMA HA FADIN, WAA LAGU FADSIIN.

Labada dawladood ee kor ku magacaaban waxay isku dhabar-jabsheen, in dawladda cusub ee Soomaaliya tixgaliso rabitaankooda ku aaddan dhismaha dawlad goboleedka JubbaLand, kaasoo ku salaysan sida hadda loogu dhawaaqay. Dawladda Soomaaliya waa diidday arrintaas. Tillaabadii u horresay oo cadowgu laqaaday waxay ahayd in la’isku diro saddexda nin madaxdeenna u sarraysa, laakiin taas waa lagu guldaraystay. Waxaa kaloo cadowga argagax ku riday sida xawliga ah ee dawladda Soomaaliya u socoto iyo sida adduun weynuhu u buun-buuninayo.

MEESHII OODU KA HEERANTO, AYAA BAHAL KA HAADAA.

Soomaalidu waxay ku maah-maadaa:- (Tuugo kula-taal kaama tab-weydo), dumistii qaranka Soomaaliya qasaarada uu noo keenay waxaa ka mid ah barashada hoos laynoo bartay. Waxaa la yaqaan furaha na furi kara. In badan oo saciimiinteenna ka mid ah waxay si toos ah iyo si dadbanba ugu shaqeeyaan cadowga runta ah aynnu leenahay

MARKAAN CIDDA CADOWGU ADEEGSANAYO WAA MUDANAYAASH QAARDOOD.

Mudanayaashii ku jirey Barlamaankii hore intooda badani waxay barlamaanka cusub u soo galeen dano ka fog inay magac iyo nacfi ka helaan. Qaar waxaa soo gashaday barlamaanka dawlada qalaad si ay dawladda cusub xiniiyaha ugu qabtaan. Tanina waa tan maanta joogta. Markii dawladdu diiddey danihii Jubbaland laga lahaa waxaa lagu salladay mooshin an maangaabku fahmi Karin. Xitaa mudana yaasha moshinka wadaa ma garan qiiyaamada qaran oo ay u durbaan tumayaan. Ninka mooshinkaan tiirdhexaadka u ah waa kuma?

Xaqiiqdii ciduna iigama baahna inaan magaciisa sheego, waxaanse sheegayaa inuusan kaba qaybgalin fadhiyada barlamaanku yeesho oo uuna waliba dalka joogin, wuxuuna ku maqanyahay arrimaha uu haddaba ku dhex jiro oo wuxuu u shaqaynayaa duulal kale. (nasiibkiisa difaac qabiil waayimaayo).

Akhristow, bal ila arag su’aalahaan ilana qaybso fikirka:-

· Maxaa isku soo aadshey doorashada kismaayo iyo mooshinka Xamar?

· Maxaa dadka Soomaaliyeed oo dawladda u mashxadayaa, mudanayaasha qaarkood uga xishoon waayeen inay mooshin keenaan.

· Haddi dawladdu aqoonsato Axmed Madoobe, ma  loo malaynayaa in mooshinku baaba’ayo?

· Ma kula tahay, in mashruucaanu ka qatarsan yahay, kii badda lagu iibsaday?

· Maxaad ku diidaysaa in hadda la fasaxo:-

1. Baddii iyo birigii.

2. Dhulkii iyo cirkii

3. Baladkii iyo baadiyihii.

4. Dadkii iyo duunyadii.

5. Soomaaliya oo dhan.

· Ma loo maleeyaa in dadka Soomaaliyeed arrintaan sey tahay u fahmaan oo talaabada ku haboon ka qaadaan iyagoon ku mashquulin waxyaabaha yar-yar oo dhexdooda yaal?

· Maloo maleeyaa in mudanayaasha la qalday oo mooshinka lagu galiyey ama qabiil ama hunguri ay ku baraarugaan qatarta Somaaliya ku soo fool leh oo ay dib u fakaraan?

· Keebaa fiican in dawladdu aqoonsato JubbaLand State oo cid leh aan la aqoon si inta kale loo badbaadiyo, iyo inay xiniiyo iska baarto oo ku mitiddo midnimada iyo maxabannaanida Soomaaliya?

· Haddaad tan dambe doorbidday, diyaar ma u tahay inaad qiimaheeda bixiso?

Gabagabadii:- anigoo daliilsanaya qoraalka kore, waxaan shaki iiga jirin in mooshinkaan dibadda laga soo maleegay, iyo inuu xiriir la leeyahay arrimaha JubbaLand. Aanse arago wuxuu ku dhammaado iyo sidii umadda soomaaliyeed u qaabisho.

Sharmaake C/laahi Muuse

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com