Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Arrimaha Cakiran Ee Jubbooyinka Islamarkaana Fariin U Direy Waqooyiga Soomaaliya.*Daawo*

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas, si kasta oo lagu helayana ay dowladda Soomaaliya ku raadineyso.

Madaxweynaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegya in dowladda ay diyaar u tahay inay si wada-hadal iyo nabad ah ku raadiso midnimada shacabka Soomaliyeed.

Wuxuu sheegay inay dowladda hirgeliso nidaamka federaalka ah ee uu dastuurka qorayo, taasna aanu muran ka taagneyn, isagoo xusay inay dhageysanayaan fikirka shacabka ee nidaamka federaalka.

Xasan Sheekh wuxuu soo hadal-qaaday arrinta Jubbooyinka oo uu sheegay in dowladda ay shantii bilood ee la soo dhaafay ay isku dayaysay in dastuurka la waafajiyo shirkii dhowaan lagu soo gaba-gabeeyay Kismaayo, wuxuna intaa ku daray inay hadda jirto fursad lagu sixi karo wixii qaldamay haddii loo hoggaansamo shuruucda dalka u degsan.

Wuxuu shacabka Jubbooyinka ugu baaqay inay nabadgeliyada ilaaliyaan, isla markaana aan fursad la siinin cadowga ummadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com