In Ka Badan 1500 Oo Askari Oo Mushahaarad Maanta Loogu Qaybiyey Degmada Garbahaaray Ee Gobolka Gedo.*Daawo Sawirada*

0

gedo13Garbahaarey (AGGM): Degmadda Garbaaharay ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa maanta mushahaarad loogu qaybiyey ciidamo ka tirsan ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo kuwaasi oo aan labadii bilood ee la soo dhaafay wax mushahaarad ah helin.

Tiradda ciidamadan waxaa lagu sheegey inay kor u dhaafayso inka badan 1500 oo askari kuwaasi oo uu dhamaan u dhameystiran yahay agabkooda ciidamadu,waxaana ay dagaalo kula jiraan kooxaha falaagada ah ee Alshabaab.

Ciidamadan Mushahaaradka loo qaybiyey ayaa intooda badan yihiin ciidamo maalinimadii isniintii ka soo ambabaxay Degmada Baladxaawo ee isla gobolka Gedo isla markaasna dhawaan soo gaarey magaalada Garbahaaray.

Askari kasta oo ka tirsana ciidamadaasi waxaa maanta gacanta laga galiyey lacag gaareysa 200 $ oo dollarka mareykana waxaana wajiyadooda maanta askartaasi ka muuqatey farxad iyo rayrayn,waxaana lagu amaanay sida wanaagsan ee ay dhiigooda ugu hureen xoreynta gobolka gedo iyo degaanada ku xeeran.

Lacagtan maanta ciidamada dawlada la siiyey waxaa bixisay Hay’add laga leeyahay wadanka Mareykana,waxaana qaybinta lacagtaasi hay’addaasi u xilsaaratey inay goob joog ka ahaadaan saraakiil mareykan ah oo goobtaasi joogey.

Ciidamadan maanta mushaharka qaatey ayaa isugu jira ciidamadii Ahlusuna waljameeca ee la miidoobay kuwa dawladda soomaaliya,waxaana dhamaan hadda wada wataan magaca ciidamada xooga dalka soomaaliya.

Gebagabadii waxaa goobtaasi goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee dawlada soomaaliya  Maxamed Cabdi Kaliil Iyo Saraakiil kale oo ka tirsanaa maamulka Gobolka Gedo ee dawlada soomaaliya,waxaana masuuliyiinta Maamulka gobolka Gedo mahadnaq u jeediyeen Hay’adda Mushaharaadkaasi bixisay.

gedo3

gedo2

gedo

ged1

gedo10

gedo4

gedo5

gedo6

gedo7

gedo8

gedo9

gedo15

gedo14

gedo13

gedo12

gedo11

Cali Maxamed Xasan
Garbaaharey,Gedo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com