Ganacsato Soo Dhoweeyay Ciidamada Dowladda Ay Geysay Galgaduud Iyo Injineerro Gaaray Magaalada Caabudwaaq.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Ganacsatada gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ee toddobaadkan gaaray gobolkaas kuwaas oo ay sheegeen in ay qeyb ka qaadaan doonaan horumarinta ganacsiga iyo is-dhex-galka bulshada.

Afhayeenka ganacsatada degmada Dhuusamarreeb Maxamed Cali Orey ayaa sheegay in ciidamada gaaray gobolka ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo is-dhex-galka bulshada.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ganacsato ahaan ay garab taagan yihiin ciidamada dowladda ee gaaray gobolka Galgaduud.

Sidoo kale maamullada degmooyinka ee gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay ciidamada ay dowladda geysay deegaanka.

Guddoomiyaha maamulka degmada Ballanbal Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ciidamada dowlada ay yimaadaan degmada Caabduwaaq, wuxuuna rajo ka muujiyay in dowlada ay ciidamo kale geyn doonto  degmooyinka kale ee gobolka Galgaduud si ay qeyb uga qaataan sugidda amniga.

Cutub ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo laga diray magaalada Muqdisho ayaa maalintii Khamiista aheyd gaaray magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale koox Injineerro ah oo laga diray magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud si ay qiimeyn ugu sameeyaan biyo dhex yaalla waddooyinka iyo xaaf adaha magaalada Cabudwaaq.

Maamulka degmada oo soo dhoweeyay Injineerrada ayaa rajo ka muujiyay in wax laga qaban doono biyaha dhex yaalla 14 waddo oo dhex mara degmada Caabudwaaq iyo suuqa weyn ee magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com