Gabar Yar Oo Soomaaliyeed Oo Uu Hayo Xanuun Mucjiso Ah Oo U Baahan Gargaar Caafimaad Oo Deg Deg Ah *Daawo Sawirada*

0

gaba2Dr. Maxamed Cabdi oo ah dhaqtarka gabadhan gacanta ku haya oo soo jeediyey In gabadhan loo gargaaro.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 18 bisha Maay, 2013 oo ah maalin Sabti ah ayaan booqanay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, qolka lixaad, qeybta Recovery-ga ee ugu dambaysa dhismaha cusub ee isbitaalka waqtigaas oo aan u kuur galaynay xaalada gabadh Soomaaliyeed oo laga dayrinayo, taasoo uu hayo xanuun mucjiso ah oo aan horey loogu arag qof Soomaali ah oo uu xanuunkaas oo kale horey ugu dhacay markii aanu wareysanay intii aanu haleeli karnay.

Nasro Sheekh Maxamed Maxamuud Cali Geelle oo ku dhalatay magaalada Muqdisho, da’deeduna ay tahay 23 sano jir, haddana ay qoyskeedu ku noolaayeen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa muddo hal sano ah xanuunsaneed, xanuunkaas oo anagana argagax nagu abuuray.

Dhaqtarkeedda ayaa sheegay  in  gabadhan xaalkeedu aad uu u adag yahay, isla mar ahaantaasna uu ka yaabiyey xanuunka gabadhan hayo.

Haddaba iyadoo xaaladda Nasro ay tahay mid argagax leh ayaa waxaa markii aan gaaray isbitaalka ay indhahaygu qabteen Nasro oo indhaheeda; dhagaheedda, Afka, labada Ib ee naasaha iyo Sanka uu dhiig ka qubanayo, waana hadal heynta ugu badan ee aan ka dhex maqlayay isbitaalka gudihiisa.

Hooyo Faadumo Nuuro Sh. Daahir Sh. Cali Ciye oo ah hooyadda gabadhan dhashay, kuna kali noqotay daryeelka gabadhan muddada xanuunkan masiibada ah ee hayey ayaa ii sheegtay in gabadheedda Nasro ay si aan kala joogsi lahayn muddadaas sanadka ah maalin walba iyo saacad walba oo ka mid ah ay la xanuunsanayd wadne garaac, gubasho, hur farabadan, iyadoo ay indhaheedu daboolmayaan xiliga uu xanuunkaas hayo.

Qolka ay jiiftay Nasro ayaa waxaa ka soo baxayay cabaad sidii qof ay wax qaniineyn oo kale; waxaana la  maqlayayy qeyladeeda oo xiliba xiliga ka dambaysa isku badelaysay taah markaa kaddibna uu imaanayo dhiiga ka soo baxaya meel walba oo ka mid ah indhaheedda, dhagaheedda, Afka, labada Ib ee naasaha iyo Sanka.

Waxaan si aad ah aan uga sii qaracanay markii maro cad oo ku duubnayd madaxa Nasro ay hooyadeed noo sheegtay in ay tahay karfanteedii sidii qof ay ka samirtay nolosheedii oo kale.

Intii aan la joogay Nasro ayaa waxaa ii muuqanaysay firfircoonida iyo hanka ku jira gabadhaan xanuunsan oo xiliga xanuunka uu daayo wajigeeda ay ka muuqatay farxad rajana ka qabto in mar uun Alle ka caafiyo.

Hooyo Faadumo Nuuro Sh Daahir Sh Cali Ciye ayaa waxay Illahay ka barisay in gabadheeda uu siiyo caafimaad, waxayna marar badan ayada oo wajigeeda laga dheehan karay murugo ku cel-celineysay  “Ilaahoow caafimaad deg deg ah ii sii gabadheyda”.

Faadumo Nuuro Sh Daahir ayaa mudadda aan la joognay waxaa ay mar kasta nagu cel celinaysay in aan qeylo dhaan gargaar oo deg deg ah ka gaarsiino bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, ganacsatada, culimaaudiinka, dawladda Soomaaliyeed, hayaddaha samafalka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ummadaha muslimiinta ah iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta in ay tabaruc caafimaad u samayso gabadhan dhibaataysan.

Gabadhan oo ka soo jeedda qoys sabool ah, isla markaasna ah Agoon aabbaheed lagu dilay dagaaladii sokeeye ee dalka ayaa waxaa ay hooyadeed u mahad celisay dhaqaatiirta gudaha waddanka Soomaaliya oo ay sheegtay in aysan waxba la harin si ay ugu dadaalaan in gabadheeda ay caafimaad hesho balse ay awoodi waayeen in ay wax ka qabtaan xaaladeeda.

Hooyo Faadumo, iyo Dr. Maxamed waxay u soo jeedinayaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan xaalada gabadhan oo u baahan in la badbaadiyo, taasoo si fudud loogu daweyn karo dalka dibadiisa haddii loo helo dhaqaale ama tabaruc caafimaad.

Haddaba, ciddii ka danqanaysa ee Illahay uu wax u dhiibay oo doonaysa inay gabadhaas gacan siiso waxay kala soo xariiri karaan hooyadeed cinwaanadan hoose.

gaba1

gaba

gaba2

Fadlan Kala Xiriir Halkaan Hoose.

Hooyo Faadumo Nuuro Sh .Daahir Cali Ciye
E-Mail aniissa@hotmail.com
Tel. 00252699414043

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com