Dagaal U Dhexeeya Maleeshiyaadka Beelaha Cowro Maleh Iyo Ogaadeen Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose ayaa sheegaya inuu ka dhacay gudaha magaaladaasi Iska hor imaad u dhexeeya Maleeshiyaadka Beelaha Cowramaleh Iyo Ogaadeen.

Maleeshiyada la dagaalantay maleeshiyada beesha Ogaadeen ayaa la sheegay in ay la soo jeedan Beesha Cowro Maleh oo kamid ah qabiilada ku nool deeganada Jubooyinka.

Goob joogayaasha ayaa xaqiijiyay in  dad ku ganacsada suuqa Xoolaha ee Magaalada Kismaayo oo diiday in ay  bixiyaan Canshuurta Baad ah oo dil loo geestay ay dhalliyeen dagaalkan dhexmaray maleeshiyaadka labadan beelood.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay Xaafada VIA Afmadow ee Magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaan Dalcadda iyada oo la sheegay in lix qofood ay ku dhaawacmeen ruux kalana uu ku dhintay.

Ruux dhintay ayaa kasoo jeeda Beesha Cowro maleh halka lixda ruux oo kalana ay kasoo kala jeeda labada dhinac ee hardamay.

Xiisada ayaa waxaa soo kala dhex galay ciidamada Dowladda kadib markii maleeshiyada beesha Ogaadeen lagu dhex baacsaday gudaha xaafada VIA Afmadow ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duboo Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa maanta kacsan marka loo eego Maalmihii hore, iyada oo ay Magaalada ku suganyihiin madaxweynayaal fara badan iyo maleeshiyaada fara badan oo kala mabda’a duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com