Caqliga Iyo Cududa Ay Kismaayo U Hayaan Meey Kalshaale Geeyaan?

0

white1Mar aan booqday shabakadaha Soomaalida maanta ayaan waxaan ku arkay wax si aad ah iiga yaabiyay taas oo ah marki aan arkay Garoowe oo dibadbax lagu taageerayo Jubbaland uu ka dhacay.

Islamrkiiba waxaa maskaxdeyda kusoo dhacday Kalshaale iyo Garoowe inta ay isu jiraan waxaana isweeydiiyay inta jeer oo ay dagaalo ka dhaceen Kalshaale weli miyaad aragteen cid ka dibadbax amaba taageero u muujinaysa reer Kalshaale? su’aashaas jawaabteeda shacabka Soomaaliyeed ayaan u deeynayaa.

Anoo sii wata booqashada shabakadaha Soomaaliyeed baa haddana waxaan arkay Buuhoodle oo dibadbax lagu sameeyay lagu taageerayo Jubbaland, waloow markaan daawaday Video-gaa ayaa waxaa iiga soo baxay inuu ahaa warkaa ay qorayeen mid been abuur ah, sababtoo dibadbax iyo dad ganacsato ah oo goobahooda ganacsi lagu wareeystay noqon meeyso dibadbax amaba shaqsi dhabaha socda oo su’aal la weydiiyay iyana noqon ay meyso dibadbax.

Dhinaca kale Horjoogaha Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray mid kamid ah maamulada ka arimiya magaalada Kismaayo weliba isagoo sheegay inay naf iyo maalba u hurayaan maamulkaas, haddaaan su’aal weeydiiyo Inna Ileey, Inna Ileeyow Kismaayo iyo Kalshaale keebaa kuu dhow?

Sidoo kale waxaa afka qeeylo furtay Horjooge Weeylfuratay waa (Faroole), Prof. Waalane waa (Prof. C/weli Maxamed Cali), Xaaji Canbe oo aad wada taqaanaan waa (Gen. Cade Muuse) Buluq Buluq waa (Cumar Cabdirashiid) iyo Maxaed Cabdi Yuusuf dhamaantoodna waxa ay sheegeen inay taageerayaan garab kamid ah garabyada isku haya magaalada Kismaayo, haddaba waa su’aale Raggan Kismaayo iyo Kalshaale keebaa u dhow waa kuwan baq baqdooda laga joogi waayay’e?

Waxaan maqli jirey Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay, Jaalleyaal Soomaali waa ay istaqaan, barashana isuguma harin ayaan filayaa, weliba reerka Daarood si wanaagsan  ayuu isuyaqaan ee Caqliga Iyo Cududa Aad Kismaayo U Haysaan ama u muujineysaan maxaa idiin diiday in aad u muujisaan ama aad geeysaan Kalshaale iyadaa wax badana idiinka dhow Kismaayo’e? saan filayo jawaabtu waa wadnaa diiday iyo kuma dhacno.

Haddaanu nahay shacabka Soomaaliyeed intooda caqliga iyo cilmiga saaxiibka u ah waxaan idinkula talinaynaa Soomaaliya waad ku fashilanteen waadna ceeboowdeen, waa haddii ay ceebi idin karto amaba aad garan kartaan ceebtu waxa ay tahay, waxaa maanta taagan sadex arrimood kuwaa oo laba kamid ah dhaqankiinu yahay  Fuleey Daandaansi Badan iyo Faqiir Faan Badan, caqligiinu haduu shaqeenayana waxaad garan laheeydeen in aan “Nin Kaa Ficil Badan Lama Faduulin”.

Gabagabadi iyo Talosiin waxaan idinkula talineynaa intay goori goor tahay dadkiina dhinac ka raaca, haddii aydnaan ka raacina sida muuqata adinka iyo daanyeerada ayaa Yicibka isku qabsanaya dhawaan.

Saciid Xuseen Faarax
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com