Banaanbax Lagu Taageerayo Madaxweynaha Jubbaland Bare Aden Shire Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq.

0

banaabax12Caabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha Jubbaland Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) uu ka dhacacay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud

Banaanbaxan ayaa waxaa kasoo qayb galay kumanaan ka tirsan qeeybaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ayaa waxaa lagu qabtay fagaaraha wayn ee magaalada Caabudwaaq, waxaana fagaarahaas Khudbado kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin iyo dadweynaha magaalada Caabudwaaq.

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraya banaabaxyada iyo xafladaha lagu taagerayo Madaxweynaha Jubbaland Col. Bare Ade Shire oo la filayo inay ka dhacaan guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan dalka dibaddiisa.

Filo Dhawaan Hadduu Alle Idmo Sawiro, Maqal Iyo Muuqaal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com