Ayaan Xirsi Oo U Hambalyeysay Axmed Madoobe Iyo Gen. Fartaag.

0

Ayaan-Hirsi-Ali-005Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa fiidki Ayaan Xirsi ay ugu hambalyeeysay qadka telefoonka Axmed Madoobe iyo Gen. Fartaag.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in caawa fiidki ay Ayaan Xirsi kula hadashay qadka telefoonka Mudane Axmed Madoobe iyo Gen. Fartaag iyadoo u sheegtay in ay si aad ah ulla dhacday soo bixitaankooda.

Goobjooge ku dhaw dhaw Axmed Madoobe iyo Gen. Fartaag ayaa waxa uu xaqiijiyay in caawa fiidki ay Ayaan Xirsi qadka teleefoonka kula hadleeysay Axmed Madoobe iyo Gen. Fartaag mudo dhan 20 daqiiqadood iyadoo sheegtay in ay aad ugu qanacsan tahay sida ay doorashadooda u dhacday, waa sida uu hadalka u dhigay goobjoogahan.

Isku soo wada duuboo arrintan ayaa sida uu sheegay goobjoogahan waxa ay walaac iyo niyad jab baaxad weeyn ku abuurtay dhamaan dadki ka ag dhowaa Axmed Madoobe iyo Gen. Fartaag waxayna ka dareeren goobti ay joogeen iyaga oo aad u niyad jabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com