Sir Lahelay:Shariif Xasan, Faroole Iyo C/salaam Cumar Oo Dhacaya Hantida Somalia Uga Xayiran Dibedda Iyo Mooshin Lagu Mashqulinayo Dowladda.*Cadeeyn*

0

top secretGudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxuu shaqaaleyay Lobbyst Firm Moffett Group oo ah shirkad la shaqaysa Madaxxweynaha maamul goboleedka Puntland uuna iska leeyahay nin beri ahaan jiray wakiil ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo la yiraahdo Toby Moffett.

Ninkaasi la yiraahdo Moffett, wiil gabadhiisa qaba oo la yiraahdo Toby Constantine ayaa waxuu uu yahay la taliye qaas ah (Sr Advisor) Madaxweynaha Puntland Faroole.

Heshiiskan ay Faroole iyo Gudoomiyaha  Bankiga C/salaam Cumar la galeen Moffett Group,ayaa waxaa isku xiray Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan oo aad ugu dheereeya sida loo lunsado hantida dawladda.

Heshiiskan oo ka dhacay Hotel ku yaala Nairobi ayaa lagula heshiiyay Cabdisalaam Cumar in uu shaqaaleeyo Moffett Group, islamarkaana Faroole iyo Shariif Xasan ay bixiyaan qarashka ku baxaya oo ah $ 10,000 bishii, ayada oo loo hormarinayo lacag dhan $60,000 taas oo lagu raadinayo lacagihi Soomaaliya kaga maqnaa dibadda.

Sidoo kale sida aan xogta ku helnay Gudoomiyaha Bankiga dhexe, ayaa ku tala jiro inuu iibsado dahankii dowladda Soomaaliya u yiilay New York Federal Reserve oo waqtigii dawladdii hore lagu qiyaasay $60 million, balse hadda qiimuhu waxuu kor u dhaafay ilaa $350 Millions, waxaana suurta gal ah in arintaas lagu dhaqaaqo baryaha foodda innagu soo haya.

Sidoo kale Moffett Group waxay inoo sheegeen in shaqadooda ay aad ugu dhow yihiin in ay dhamaato bisha June ee sanadkan.

Waxaa wax aad loola yaabo ah habka uu heshiiska u galay Cabdisalaam Cumar oo uu wakiil uga dhigay shirkad ajanabi ah inay wakiil ka tahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, taasi oo micnaheedu tahay in ay shirkadaas qaadan karto lacag iyo xoolo walba ay ummada Soomalaiyeed leedahay ayada oo sidoo kalena ay soo daabacan kartaa Lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Sideedaba marka aad Conract aad galaysid mas’uuliyad waad siin kartaa oo ku kooban darejadaada, lakaiin Banki oo ay Ummad dhan leedahay ma siin kartid wakiilnimo,arrintaas waa qiyaano qaran.

Waxaan aad ula yaabaa dawladdan iyo kuwii ka horeeyay, mar walba waxaa qiyaama dad ku qaraabta waxaan ahay PHD, sooma oga kumaan kun oo PHD waxay u shaqeeyaan dad aanan weligood School aadin.Aqoonta waxaa ugu wanaagsan tan loo dhasho oo ilaahay ku siiyay.

Haddii aan ka hadlo, si loo maaweeliyo dawladda Soomaaliya, Shariif Xasan iyo Faroole ayaa waxay ku tala galeen in Mooshin (Motion) laga geeyo xukuumada si aan loola socon dhaqdhaqaaqa Gudoomiyaha Bankiga Dhexe oo arrimahan oo dhan ka hagaya Muqdisho iyo Nairobi.

Waxaa heshiiska ay wada galeen sadexdan nin ka mid ah hadii ay dhacdo dawladda R/wasaare Saacid in Cabdisalaam Cumar laga dhigo Wasiirka Maaliyada iyada oo Bankiga Dhexe loo magacaabayo Bashiir Ciise.

Waxaan idiin soo gudbinayaa Documents laba ah, kan koowaad waa mid heshiiska uu ku galay Cabdisalaam Cumar, kan labaadna waa midka caddeenaya heshiis hore oo dhex maray Faroole iyo Moffett.

Halkan Hoose Ka Akhriso Heshiiska Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdisalaam Cumar

Halkan Hoose Ka Akhriso Heshiiska Faroole Horey U Galay.

Ahmed Salah PHD, Economics and Finance
Birmingham, United Kingdom

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com