Gurey Xaaji Faarax Oo Arrimaha Jubbooyinka Ka Hadlay.*Dhageyso*

0

GUREEY XAAJI FAARAXGuddoomiyaha Qurbajoogta beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka, Gurey Xaaji Faarax oo maanta asaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaal magaalada Seattle Washington ee dalka Mareykanka wareysi dhinacyo badan taabanayo siiyay shabakadda AOL ayaa waxuu ka waramay isbadalada siyaasadeed ee dhawaan kusoo kordhay gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Gurey ayaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko labada nin ee dhawaan magaalada Kismaayo uu mid walba goonidiisa uga dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha gobolada Jubbooyinka ayaa waxuu yiri “madaxweynaha rasmiga ah ee ay shacabka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo doorteen waa Bare Aden Shire (Bare Hiiraale.)”

Guddoomiye Gurey oo dhanka kale wax laga weydiiyay sababta keentay in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo qadyaan ka taagan isu keenidda gobolada Puntland in uu mar walba juhdi weyn galiyo dhismaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxuu yiri “madaxweyne Faroole waa nin oday ah, ninka odayga ahna waxaa laga rabaa in uu wax badan iska ilaaliyo. Waxaan foolxumo u aragnaa in uu dadka Soomaaliyeed ee walaalahiis ah kala jecleyso oo uu qaar yiraahdo waan u hambaleynayaa asaga oo ay maankiisaba ka baxsan tahay in ninka madaxweynaha Jubbaland loo doortay uu yahay Bare Aden Shire.”

Gurey Xaaji Faarax ayaa waxuu hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha dhawaan loo doortay maamul goboleedka Jubbaland mudane Bare Aden Shire (Bare Hiiraale), waxuuna u rajeeyay inuu Rabbi la garab galo howsha culus ee loo doortay.

Dhanka kale, Gurey Xaaji Faarax ayaa waxaa fariin uu u diray madaxweynaha Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo ugu baaqay in ay ka howl galaan dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan Jubbooyinka, isla markaana ayaga oo kaashanaya dowladdooda si wada jir ah uga qeyb qaataan adkeynta amniga iyo dhismaha deegaanada Jubbooyinka.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/wareysi_gurey_xaaji.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com