Xildhibaanada Oo Maanta Loo Qeeybiyay Mooshin Ka Dhan Ah Xukuumada Soomaaliya.

0

xidigMuqdisho (AGGM): Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa fadhi ay ku yeelanayaa magaalada Muqdisho in looga qeybiyo mooshin ka dhan ah xukuumada Soomaaliya oo maalintii shalay tiro xildhibaanno ah u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka.

Nuqulada ayaa la filayaa in ay mudanayaasha muddo 5-maalmood ku soo aqristaan, iyadoo 22-ka bishan la filayo in Xukuumada ay hortimaado Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad ayaa sheegay in tiradii loo baahna ay soo gudbiyeen mooshinka, isla markaana qodobka 75aad ay dhigeyso in shan meelood hal meel hadii la helo mooshin la keeni karo.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha sida aadka ah ugu ololeenaya islamrkaana ka keenay Xukuumada mooshinka ayaa sheegay in Xukuumada ay wax ka qaban weysay dhamaan waxyaabihii loo idmaday, isla markaana muddo lix bilood ay u buuxsantay, iyadoo aan waxba qaban.

“Ujeedada waxa weeyaan waa kalsooni kala noqosho, Xukuumada wax ay qabatay haba yaraatee ma jirto, arrimihii gudaha wax bey ka qaban weysay”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xuuraanta hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada mooshinkan wada ay u adeegayaan dowlad kamid ah dowladdaha deriska la ah Soomaaliya maadaamada Xukuumadu ku noqotay caqab hortaagan danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Mooshinkan ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii u dambeeyay diyaarintiisa si xowli ah uga socotay magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada ilaa haatan saxiixay mooshinka ay gaarayaan 90 xildhibaan oo u badan beesha Kablalax.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com