Wararki Ugu Danbeeyay Saaka Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha magaalada ay ka socoto xafaladi caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Col. Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa hadda waxa ay ka socotaa Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo, xafladan oo ay isugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka iyo Gedo waxaa sidoo kale madasha ku sugan dhamaan qeeybaha kale bulshoweynta Jubbooyinka iyo Gedo.

Shalay galinki dambe ayay ahayd marki odayaasha dhaaqanka Jubbooyinka iyo gedo ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland Col. Bare Ade Shire “Bare Hiiraale”.

Waxaa sidoo kale magaaalada ku sugan wafdi ka soda dowladda Soomaaliya oo sida la sheegayo iyaguna dhawaan ku dhawaaqaya maamulka dowladda ee gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale xalay waxaa gudaha magaalada Kismaayo lagu dilay laba oday dhaqameed oo kasoo jeeda beesha Muqaabil  oo shalay qeeyb ka ahaa odayaashi caleema saartay Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo waxaa lagaran karin halka ay jaan iyo cirib dhigi doonto xaalada magaalada Kismaayo iyada oo magaalada ay kuwada sugan yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, Ciidamo kala taabacsan Col. Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe.

Filo Dhawaan Maqal Iyo Muqaalka Xaflada Caleema Saarka Col. Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com