Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladasi ay soo caga dhigteen laba diyaaradood oo siday Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo odoyaal dhaqan oo ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka.

Labada diyaaradood marki ay soo caga dhigteen magaalada Kismaayo ayaa waxaa isku geedaamay maleeshiyaad ka tirsan kuwa Raaskambooni oo watay qorayaha fudud iyo gaadiid dagaal, diyaarada ayaa waxaa kasoo dagay wafdigi balaarnaa ee uu horkacayay Gudoomiyaha Maamulka KMG ah Ee Jubbada Hoose Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan, kadib ayaa waxaa gudaha garoonka ka dhashay muran baaxad weeyn oo leeysku hayay in wafdiga dib ay ugu laabtaan magaalada muqdisho taa oo ay ka biyo diideen wafdiga.

Kadib ayaa waxaa goobtaas ka dhacay in jirdil loo geeystay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta iyo odoyaasha Dhaqanka haba ugu badnaado’e Gudoomiyaha cusub ee maamulka KMG ah ee gobolka Jubbada hoose Maxamed Amiin C/laahi Cusmaan oo la sheegayo inay dhaawacyo soo gaareen,islamarki falkaas dhacayna waxaa soo gaaray meesha ciidamada Kenya oo kala dhexgalay.

Dhaawaca soo gaaray Gudoomiyaha cusub ee maamulka KMG ah ee Jubbada Hoose Maxamed Amiin ayaa waxaa naloo sheegay inuu yimid kadib marki mid kamid ah maleeshiyaadka Raaskambooni uu qori dabadii wejiga uga dhuftay Waxaa hadda weli ku sugan garoonka diyaaradaha ilaalana ay ka hayaan ciidamada Kenya wafdiga maanta soo gaaray magaalada Kismaayo halka ay labadii diyaaradood ee wafdiga siday ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa furimihi dagaal isaga soo baxay ciidamada Guutada koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka iyaga oo uu horkacayay Col. Cabaas Gureey waxa ayna dib ugu laabteen fariisimahoodi ay horey u daganaayeen magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin xaaladan cakiran ee ka taagan magaalada Kismaayo, balse dadka ku sugan gudaha magaalada waxa ay sheegayaan inaysan hureeyn magaalada Kismaayo in dhinac looga saaro maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com