Shir Ku Sheegi Kismaayo Oo Fashilmay Iyo Musharixiin Soo Dabcday Warqadaha Ergada.

0

Shirka-Kismaayo1Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii ka scoday magaladaasi uu fashil ku yimid kadib markii lahelay warqadaha ergada oo been abuur ah oo musharxiinta qaarkood ay soo daabacdeen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta lahelay warqado ay soo daabacdeen mushariixnta qaarkood islamarkaana loo qeeybiyay qaar kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni si ay u matalaan amaba iskaga dhigaan ergooyinka, arrintaas oo dhalisay jahwareer iyo iyada oo lakala garan waayay warqadihi askarta sirdoonka Kenya qeeybiyeen.

Shirka ayaa waxaa dib loo dhigay mudo 5 maalmood ah kadib marki ay soo baxeen musuq maasuq ay wadeen qaar kamid ah musharixiinta islamarkaana dhaliyay kala shaki baaxad weeyn.

Isku soo wada duuboo ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya musharixiinta isku sheegtay inay u sharaxan yihiin qabashada xilka Madaxweeynenimo ee mamaul la magac bixi doono Jubbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com