Wararki Ugu Dambeeyay Saaka Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo mid siyaasadeed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad dagaal kadib marki beelaha diidan shirka Kismaayo qaabka uu ku socdo ay ka warheleen in ay socdaan dhaq dhaqaaqyo lagu doonayo in lagu dhawaaqo madaxweeynaha Jubbaland.

Sidoo kale waxaa magaalada ka dhacay xalay saqdi dhexe in gidaarada lagu soo dhejiyay sawiro ay ku qoran yihiin dooro horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Shalay galinki dambe ayay ahayd marki wafdi kasoo dagi lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay diyaaradaha dagaalka Kenya hawada ka cesheen iyagoo ku wargaliyay inaysan soo caga dhigan akrin garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Diyaaradaas ayaa sida la sheegay waxa ay waday amaba la socday Wasiiro iyo gudoomiyaha cusub ee dowladda Soomaaliya gobolka Jubbada Hoose.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u eg tahay hadii aan xal loo helin khilaafaadka hareeyay in ay noqon doonto goob uu ku daato dhiig farabadan taa oo ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com