Maleeshiyada Kismaayo Ee Dowladda Ka Soo Horjeeda Oo Maanta Hawada Ka Saaray Isgaarsiinta Iyo Isgaarsiinti Oo Hadda Dib Hawada Ugu Soo Laabatay.

0

top newsKismaayo (AGGM): Maleeshiyada ka arrimisa magaalada Kismaayo ayaa maanta shirkadaha Isgaariinta ee ka hoowlgala magaaladaas ku amray iney hawada ka saaraan Taleefanada lagu hadlo ee Moobiilada.

Horjoogeyaasha maleeshiyada ma’aysan faah faahin sababta hawada looga saaray Isgaarsiinta magaalada, laakiin warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegayaan in ay ka cabsi qabaan dagaal abaabulan in uu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Waxaa daqiiqado ka hor dib hawada ugu soo laabatay Isgaarsiinta magaalada Kismaayo

Dhinaca kale wararka aan ka heleeyno magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in Prof. Gaandi oo kamid ah uu maanta halkaas soo gaaray.

Kooxaha soo abaabushay shirka Kismaayo, ayaa ku adkeeysanaya ineey dhisaan maamulka Jubaland, oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamtay inuu yahay mid kasoo horjeeda dastuurka Soomaaliya.

Isku soo wada duubow waxaa muuqta in ay faraha ka sii baxayaan khilaafka ka aloosan magaalada Kismaayo oo ay dhici karto inuu isu badalo mid gacan ka hadal ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com