Falaagada Al Shabaab Oo Sheegtay In Xirnaasha Jidadka Muqdisho Waxba Ka Badalli Karin Qorshayaashooda.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka Falaagada Al Shabaab Cali Max’uud Raagge oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay ayaa sheegay in alshabaab meel walba oo ay rabaan iney weerar ka geystaan ineysan jirin cid ka ilaalin karta.

Waxaa uu shaaciyay in xirida wadooyinka magaalada Muqdisho aysan waxba u dhimi doonin weerarada ay ka geystaan gudaha Muqdisho,wuxuuna hoosta ka xariiqay in alshabaab ay si fudud Muqdisho uga fulin doonaan wixii ay doonaan sida uu sheegtay.
Waxaa uu intaa ku darray in ay meesha ka baxday ama beenoowday sheegasahdii dowlada ee ahayd sida uu hadalka u dhigay in ay  gacanta ku hayso  amniga magaalada Muqdisho,wuxuuna tibaaxay in alshabaab ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula dagaalamayaan waxa uu ku tilmaamay cadowga ummadda kusoo duulay.
Waxaa uu meesha ka saarayy  in ujeedka xirida wadooyinku uu yahay arin looga hortagayo weerarada alshabaab balse waxa uu ku tilmaamay  mu’aamarad  la doonayo in ummadda gumeysi casri ah lagu galiyo
”Waxaa la doonayaa in shacabka gaajo la galiyo si ay gacmaha ugu hoorsadaan cadowgooda kadibne si fudud loo gumeysto” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere”.
Mar uu soo hadal qaaday qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ay jab xoog leh ku gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay dowladda federaalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com