Ciidamada Amaanka Magalaada Dhuusamareeb Oo Xabsiga Dhigay Burcad Tuugo Ah.

0

xabsiDhuusamareeb (AGGM): Ciidamada dowladda ee Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa xabsiga dhigay 4 ruux oo lugu soo eedeeyay falal amaan daro ah oo ay ka samaynayeen Wadada isku xirta Dhuusamareeb iyo Cadaado .

Ragaan la soo qab qabtay ayaa ku howlanaa isbaaro ay doonayeen in lacago baada kaga qaadaan gaadiidka isticmaala Wadada isku xirta Labadaa Magaalo waxana Maamulka Magaalada dhuusa mareeb sheegeen in ay xabsiga ku hayaan raga arimahaa gacanta kula jiray .

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ee howlgalkaa fuliyay ayaa sheegay in arintaa howlgalka ah ay timid kadib markii cabashooyin ka soo gaareen wadayaasha gaadiidlayda isticmaasha wadada kuwaa oo ka cabanaya Kooxa amaan dara wadada ka wada .

Kooxahaa burcada ah ayaa Maamulka Magalaada Dhuusamareeb sheegeen in maxkamad la soo taagi doono si kiiskooda loo qaado waxana la marsiin doonaa cadalaada madaama falal aman daro Gobalka ka wadeen .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com