War Deg Deg Ah: Wafdi ka Socda Dowladda Soomaaliya oo Laga Celiyay Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya laga celiyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan maanta laga celiyay magaalada Kismaayo ayaa waxaa horkacayay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guleed oo ay weheliyeen Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge iyo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Jubbada Hoose Maxamed Amiin  C/llaahi Cusmaan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada Kenya ay u diideen wafdiga ka socday Dowladda Soomaaliya inay diyaarda ay wateen soo cago dhigato magaalada Kismaayo iyaga oo badalkeeda ka horgeeyay diyaaradaha dagaalka kenya oo u diiday inay soo caga dhigato diyaarada wafdiga ay la socdeen.

Waxaa dhan walba u kacsan jawiga magaalada Kismaayo iyada oo ay dadka ka careesan yihiin diidmada wafdiga dowladda Soomaaliya ee ciidamada Kenya arrintaa oo ay ka dhalan karto kacdoon ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan dhulka Soomaaliya.

Isku soow ada duuboo waxaa la saadaalin karin xaalada magaalada Kismaayo, waloow dadka deeegaanka sida ay u badan yihiin  ay sheegayaan in aysan hureen in ay ka qarxaan dagaalo saf balaaran ah magaalada kismaayo taa oo ay qaadayaan mas’uuliyadeeda ciidamada ka socda dalka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com