Dowladda Federaalka Oo Sheegtay In Ay La Dagaallami Doonto Musuq-maasuqa.

0

saacid baarlamaanMuqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saari doonto sidii cadaalada iyo sharciga looga baahin lahaa guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in xukuumada uu hogaaminayo ay u gundatay sidii ay ula dagaallami laheyd Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta lagu eedeyn jiray dowladihii kumeelgaarka ee dalka soo maray,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in laga gudbi doono qabyaalada iyo Musuqmaasuqa ragaadiyey dalka Soomaaliya.
”Dowladda Soomaaliya oo awoodeeda oo idil waxaa ay isugu geyn doontaa sidii soo celinta nabad iyo xasiloonidii dalka, iyo waliba sidii ay dagaal adag ula gali laheyd arinta ku saabsan musuq-maasuqa oo dhibaato ba’an ku haya nidaam-ka dowlliga ah,” ayuu yiri ra’iisal wasaarah xukuumada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaare Saacid in dalku ku jiro waqtiga xiliga adag u baahan in looga gudbo karti iyo waliba qorshe adag oo ay la timaado dowladda federaalka, isaga oo sheegay in dhibaatada ugu weyn tahay dagaallka ka dhan-ka ah kooxaha argagixisada.
Ugu danbeytii, ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku daray iney dowlada ka go’an tahay hirgalinta nidaamka dowlaiga ah,isagoona tilmaamay in ay sida ugu dhaqsaha badan kusoo celin doonaan sharcigii iyo kala danbeyntii dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com