Daahir Cali Cumar Oo Wareysi Dhinacyo Badan Taabanayo AOL Siiyay Ayaa Si Weyn U Dhaliilay Maamul Goboleedka Jubbaland Iyo Nidaamka Federaalka *Dhageyso*

0

faaqidaada todobaadkaDaahir Cali Cumar oo ka mid ah aqoon yahanada qurbajoogta Soomaaliyeed ee intii muddo ah ku nooleyd dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Columbus ee gobolka Ohio oo galabta shabakadda Allgedo Online wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay ayaa wal-wal weyn ka muujiyay qorshaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyo waliba nidaamka cusub ee dhawaan dalka Soomaaliya in lagu dhaqo loo doortay ee Federaalka.

Dhanka kale, Daahir ayaa waxuu si weyn u difaacay warar baryahaan ay wadeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uusan dooneynin in uu ku dhaqmo dastuurka Federaalka ee dalka u yaalo, isla markaana uu faragalin ba’ani ku hayo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo uu mar kasta shaqadiisa u gacan dhaafo.

“Dadka hadda isku haya Jubbooyinka ee leh maamul baan u dhiseynaa, laakiin madaxweynaha ayaa naga hortaagan warkooda waxuusan sax ku aheyn, goboladaasi muddo dheer ayaga ayaa gacanta kusoo hayay oo waxaa isaga danbeeyay Aden Gabyow, Moorgan, Barre Hiiraale, iyo Axmed Madoobe ilaa iyo waqtigaas dheerna wax maamul ah oo ay goboladaas usoo dhiseen ma jiro, marka warkooda waxuu u eg yahay dhaliil iyo eedeymo ku eg baararka iyo fadhi ku dirirnimo” ayuu yiri Daahir Cali Cumar.

Mar uu ka hadlayay nidaamka cusub ee Federaalka ee Soomaaliya loo dooray ayaa waxuu yiri “Federaalka waa masiibo Soomaaliya loo soo diray, haddii aanan si deg-deg ah looga gaarina Soomaaliya waa sii bur-buri doontaa waana u dhamaan doontaa gebi ahaanteedba.”

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/wareysi_daahir.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com