Wafdi Xaqiiqo Raadin Ah Oo Ka Socda Urur Gobolleedka IGAD Oo Todobaadka Soo Socda Ku Fool Leh Magaalada Kismaayo.

0

IGADLogoKismaayo (AGGM): Warar soo baxaya aya sheegaya in todobaadka soo socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose tagi doonaan wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda urur gobolleedka IGAD, kuwaasoo qeyb ka ah go’aamadii ka soo baxay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan oo uu hogaaminayo Xog-hayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan maamulka KMG Kismaayo, iyagoo kala hadli doona arrimaha shirka maamul u sameynta Kismaayo.

Booqashada wafdiga ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xili dowladda federaalka Soomaaliya siweyn uga  soo horjeedo shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo, iyadoo ku tilmaamtay in uu yahay shir aanay waafaqsaneyn dastuurka, habka loo wadana aanay raali ka aheyn.

Shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibada IGAD ayaa looga hadlay qorshaha xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya ku adkeysaneysa inay loo madax banaaneeyo maamul u sameynta.

Hindisaha dowladda Soomaaliya horgeysay shirka ayaa ahaa in maamulada loo sameynayo deegaanadaas ay ka yimaadaan dadka deegaanka, oo soo doorta hogaan ay raali ka yihiin.

Wafdigan ka socda IGAD ayaa waxyaabaha ay kala soo kulmaan tagistooda Kismaayo u gudbinaya shirka Madaxweynayaasha IGAD oo dhowaan ku yeelan doona magaalada Addis Ababa.

Dowladda Kenya oo ciidamadeeda qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa taageereysa dhismaha maamul goboleedka Jubaland oo qorshihiisa haatan khilaafka hareeyay.

Shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka ayaa maalmihii u dambeeyay galayay marxalado kala duwan, waxaana horay shirka u qaadacay siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada jubooyinka oo ku tilmaamay in shirka hal dhinac u socdo amaba hal beel in ay wadato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com